Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 18 April 2024

Qaybti 6-Aad" Ku Xirnow Taxanaha Akhbaarti Faca-Weyneyd Ee Zamanki Hore .. Qisadi Mulxidki Kufri-nimada Ku Abraaraayey Oo Boqorka Afkaar Faasid Ah Ku Haraadiyey Iyo Wadaki Ka Samata-Bixiyeya Siriqdaas

Thursday - March 30, 2023




Qarniyo Hore Iyo Maalin Maalmaha ka mida waxaa Nin Boqora soo booqday nin Mulxid-Dacfaruur Qod-qod badan oo Alle Dafirsan .. Mulxidkaas wuxuu boqorki ku khuukhiyey afkaar faasid ah oo u ku tilmaamayo in wax la yiraahdo "ILaah" usan jirin balse ay tahay dhagar iyo khuraafaad dadka caqligooda lagu dhalan-doorinaayo amase lagu khaawasiinaayo .. Boqorki oo kurbo darteed ka diiqooday kan didsan Fikirka iyo Falsafada u xambaarsan-yahay Mulxidkaan, wuxuu go'aansaday inu u yeero culimada magaalada si ay ninkaan mulxidka waxa u ku andacoonaayo sharaxaad diineed kula doodaan

Culimadi ayaa lagu soo xaadiriyey mafrashki Boqorka oo halkaas waxaa ka bilaabatay Dood u dhaxeysa Mulxidki weynaa iyo culimadi islaamka ee magaalada .. Doodi oo  muddo saacado badan labada dhinac ka socotay, waxaa muuqatay in doodi Mulxidka Dirqi iyo Kax laga taagan-yahay oo halkaas culimadi holi-waayeen wax ay ku qanciyaan Kaafirkaas hadba doodiisa meel ka dusaya .. Boqorki oo dooda socota goob joog ka ahaa waxaa ka soo haray yaab iyo sida culimadaan ay u qancin-waayeen Kaafirkaan-Mulxidka ah, hasa ahaate markaan Boqorki wuxuu dalbay in loogu yeero Wadaad cilmi ku dacfuray magaale kale jooga si u Mulxidka ula doodo.

Wadaadki Caalimka loo yeeray wuxuu amarki boqorka ka habsaamay muddo todoba cisho ah, hasa- ahaate marku yimi wuxuu ka cudadaartay daahida ku timi wuxuuna halki ka cadeeyey sababta keentay dibu dhaca oo u yiri: Boqorow isla maalinti aad fariinta ii soo dirtay waan soo dhaqaaqay, hasa-ahaate waxaan la kulmay Wabigi oo ka kacsan, meeshana ma jirin Doon wax qaada, sidaa daraadeed waxaan inti Todobo cisho ah iska dul fariistay Wabiga jiinkiisa, hasa-ahaate maalmo kadib goobti aan fadhiyey waxaa maanta ii soo caariyey dhawr Alwaax, kadibna intaan isku xir-xirtay ayaan ku soo gudbay .. Mulxidki oo goobta fadhiyey ayaa Qosol la dhacay oo yiri "War bal fiiriya waxa u Wadaadkaan naga gadaayo oo sidee u suurtoobeysa Alwaax aan qof wadin baa ii timi oo aan soo raacay" .. Boqorki iyo culimadi majliska fadhidey ayaa gidigood guux iyo gurxan ka sameeyey sheekada wadaadku la yimi, oo waxay quursadeen in wadaadkan ka caabin-karo Falsafooyinka Mulxidka 

Dabadeed Wadaadki ayaa isagoo hadlay Af-celis ku Yiri " Horta Mulxidow ilaaha inkirsan Nacalaa ku fuulay, oo Falsafadaada Naanaa-Weeye .. Mulxidow Ma waxaad iga Rumeysan la'dahay in Alwaax Cid wadin ii timi oo aan soo raacay, Adiguna waxaad Rabta inaan kaa rumeysto in Aduun-yadaan nagu wareegsan oo leh Badoh, Buuroh, Geedo, Ciid, Biyo, Dad, Xaywaano, Kawaakib, Xidigo, Cir iyo Dhul Ay iskood isaga sameysmeen amase la Abuuray Axad la'aan" .. Mulxidki weynaa ee boqorka xayraan ka dhigay waa u waayey wax jawaaba u ka bixiyo fasiraada Wadaadka .. Boqorki iyo Culimadi Majliska Fadhidey ayaa hal mar ku Hadaaqay: Axsanta Xaashaa-lilaahi Wadaadku Waa Jawaabay oo Karbaashay Mulxidki-Garas-marooje Garmaqaate ahaa Fashil iyo Waji-gabax Baa Ku dhacay