Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 20 April 2024

"Qaybti 9-Aad" Ku Xirnow Taxani Akhbaarti Faca-Weyneyd Ee Zamaanki Hore .. Geeridi Nabi Muuse Iyo Sababta Uu U Diiday In Nafta Laga Qabto

Tuesday - April 4, 2023




Abuu-hurayrah alaha ka raali noqde, ayaa laga soo wariyey inu yiri: Malakul-Mowd baa loo diray Muuse oo la yiri nafta ka soo qabo, markii uu deyrka u soo galay una yimid oo ku yiri: waa la ii kaa soo diray. Muuse gacan ayuu u qaaday malakul-mowdkii oo garaacay oo hadana dibada u eryey. soco yiri

Malagii wuxuu u laabtay Rabigi oo u ashtakooday isagoo leh; waxaad ii dirtay adoon islam sheeganaya oo aan dooneyn inu dhinto. Alle wuxuu yiri;  u laabo oo u sheeg inu saaro gacantiisa dhabarka Wan, inti u ku qabto gacantiisa oo timaha wankaasi ah, waxaa lagu siin-doona sanad tin walba.
Muuse wuxuu yiri; Rabbiyow dabeeto maxaa xiga taas? Alle wuxuu yiri: dhimasho. Muuse wuxuu yiri; oo hadey saa tahay oo aan dhimanaayo ma hadda la iga qaado nafta?

Markii Muuse doortay inu dhinto wuxuu yiri; Rabiyow ii dhowee dhulka muqadaska ah masaafo meel dhagax looga soo tuuri-karo. Rabina waa ka yeelay oo waa halka nabigeena Maxamed s.c.w ka yiri; haddi aan joogi lahaa halkaas waxaan idin tusi-lahaa qabrigiisa ee ka hooseeya ciida gaduuda ee dhinaca wadada, waxaa kalo u Nabiga sheegay in markii loo qaaday micraajka u soo maray Muuse isagoo taagan oo ku tukanaaya qabrigiisa ciid guduuda agteeda.

Waxaa la wariyey in Muuse ka rajo qabay ka hor dhimashadiisa inu fuliyo hawlo iyo xilal badan sida inu ka saaro reer Banii israaiil walaahooga tiiga iyo wareerka iyo inu u raro arlada Muqadaska ah, laakiinse Alle wuxuu qadaray in muuse dhinto intii ay reer Banii israaiil ku jireen wareerka Tiha iyo walaahowga kadib dhimashadi walaalkii haaruun.

Muuse iyo walaalkiis Haaruun waxaa loo diray fircoon oo gaarsiiyeen fariinti Alle iyo gunta hawshooda oo ahayd iney ugu yeeraan isaga iyo dadkiisa jidka Alle iyo iney caabudaan Alle keligi. iyo inu xoreeyo dadka reer iisraaiil u ogolaado iney baxaan, hasa-ahaate waxuu muujiyey kibirkiisa oo hoos u eegay Muuse oo liiday dhambaalkiisi .. Muuse waxuu habaaray fircoon oo yiri; Carro Alle isaga iyo Qoonkiisa iyo mid kasta oo raaca jidkooda oo hadana yiri: Rabiyow waxaad ku siisay fircoon iyo duqeydiisa aduunka Qurux iyo Maal ee Rabiyow maalkooda baabii' oo xir qalbiyadooda, si ayan u rumeyn jeer ay arkaan cadaabta xanuunka badan oo Rabiyow naga dul qaad oo ducadeeyda iga ajiib . Alle waa u aqbalay baryadoodi sidi u uga aqbalay nabi Nuux C.S, laakiin diidmadaas maxaa ka raacay fircoon iyo qoonkiisi dhibato iyo halaag. waxaa ku dhacay sanado badan abaaro, oo hadana daba dheeraatay, waxaa u soo bixi kari-waayey wax Miro ah oo Xoolihi laga waayey naasahoodi wax Caano ah .. gunta imtixaankooda wuxuu ahaa in lagu khasbo iney aqoonsadaan xuduudooda iyo Rabiga xaqa ah ee isagu maamula uunka, hasa ahaate ma ay garowsan.

Ugu dambeyn fircoon marku ku si fogaaday fallaaganimadi oo ay korortay cadaawadi uu u hayey Muuse iyo Walaalki waxaa ay qadar Alle ku dhamaadeen Badi sida mucjisada u hugmeysay kala dhanbalmatay oo hal qof lagama reebin fircoon iyo ciidankiisi gurmadka soo daba galay Muuse iyo Qoonkiisi, waxaana tiro ahaan lagu qiyaasay askarti fircoon iyo wixii soo raacay iney markaas ahaayeen ku dhawaad Laba Milyan oo dhamaantood aan qof laga arkin.