Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 20 April 2024

Qaybti 12-Aad Ku Xirnow Taxanaha Akhbaarti Faca-Weyneyd Ee Zamanki Hore .. Qiso Laga Wariyey Rsuulkeeni Maxamed SCW

Sunday - April 9, 2023



Zaman Hore iyo malin maalmaha ka mida iyo Bartamaha Magaalada barakeysan ee Makka ayaa islaan waayeel ah waxey dhabar-keeda ku siday Qoryo Xaabo oo ay soo guratay si ay Dabka ugu Shidato, hasa-yeeshe waxey aragatay Nin Xageeda u soo socda, isla Markii uu u yimdna wuxuu ku yiri: Keen Anigaa kaa qaadaya Culeyska ee Gurigaaga ii tilmaam iyadina Waddadi bey u tilmaantay waxayna ahayed wado dheer .. xiligaas Kuleylka iyo Habaas badan baa socdey, oo Qoraxdu aad ayey u kululeyd iyo Islaanta oo Gurigeeda aad u Fogaa. 

Gurigeeda markuu Xaabadi qoryaha u geeyay, islaantii waayeelka aheeyd waxey ku tiri: Wiil-keygow Wax aan kuugu abaal gudo ma heysto oo xagaa waa ka liita, oo hadaan haysan-lahaa waan ku siin lahaa, laakin Hal arrin ayaan kaaga Nasteexeynayaa, taasoo ah Markaad Reer Makko ku laabato waxaa halkaas jooga Nin Sixirow ah oo Nabinimo sheeganaaya. Magaciisana Waxaa lagu sheegaay Muxamed Bin Cabdullaahi Haddaad la kulanto Ha Rumeysan .. Kolkaas ayuu ku yiri: Maxaan loo Raaceynin? Waxey tiri: 120 ilaah oo Kacbada taalla oo ay Caabudaan  dadkiisa reer Qureysh ayuu Hal ilaah ka soo reebay. Markaas ayuu ku yiri:- Haddaba Ninka aad sheegeyso waa Aniga, waxaan ahay Rasuulkii ilaahey soo diray. 

Islaantii waxaa ku dhacay wareer iyo yaab, waxeyna ku tiri: Ninkaasi hadaad Adiga tahay oo sidaan Akhlaaqdaadu ay u Waaagsan tahay, waxaan Qirayaa inaad tahay Rasuul Xaq ah. (Halkaas ayeyna ku Ashahaadatay)

Rasuulkeena CSW  dadka Akhlaaqdiisa Wanaagsan ayuu islaamka dadka ugu soo jiidi jiray ee Alloow Shafeecada Rasuulkana sii Maalinta Qiyaamo.