Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 25 April 2024

Ku Taxnow Akhbaarti Faca-Weyneyd Ee Zamanki Hore .. Waa Qiso Yaab Leh Oo Dhacday Waqtigi Cumar Binu Khadaab Iyo Nin Oday Dilay .. Bal Eeg Sharafti Iyo Karaamadi Dhaqanki Islamki Hore

Wednesday - April 19, 2023



Waqtigii Cumar Binu Al-Khadaab RC, uu Xukunka Islaamka haayey, ayaa Saddex Qof waxey hor keeneen Cumar binu Khadaab Nin Dhalinyaro ah waxey ku yIiraahdeen: Cumaroow Ninkaan waxaan Rabnaa inaad noo Qisaasto waxa uu Diley Aabaheen.

Cumar baa Ninkii wuxuu ku yiri:- Maxaad u Dishey Aabahooda?.

Ninkii wuxuu yiri:- Waxaan ahey Nin Geel Jire ah oo Geel iyo Ari ayaan meel daajinayey, Neef Geel ah oo ka mid ah kuweyga ayaa waxaa uu daaqey Geed ku yaal dhul uu leeyahey Odeygu, Dhagax ayuu qaatey markaas buu ku dhuftey Neefkii Geela ahaa, wuuna Dhintay, Aniguna isla Dhagaxii baan qaatey oo ku Dhuftey markaas buu isna Dhintay.

Cumar Binu Khadaab RC, waxaa uu yiri: Hadaba waxaan kugu Qaadayaa Xadkasharciga oo ah Dil

Ninkii baa yiri:- Saddex Casho i siiya waayo Aabehey ayaa Geeriyoodey wuxuu nooga tagey Hanti aniga iyo walaalkey iga yar, hadaad aad i Disho hantidaas wey lumeysaa iyo walaalkeyba.
Cumar baa yiri: yaa ku Damiinanaayo?.

Ninkii baa Eegay Wajiyada dadka joogey Goobta markaas buu yiri: Ninkaas oo uu ku Fiiqay Farta Saxaabigii weynaa ee Abuu Dar.

Cumar wuxuu yiri:- Abuu dar, Ninkaan ma Damiinaneysaa?

Abuu Dar waxaa uu yiri: Haa, Amiirki Mu’miniintoow.

Cumar waxaa uu yiri: Adigu ma Taqaanid, haddii la waayo Adiga ayaa lagugu Qaadayaa Xadka Dilka.

Abuu Dar wuxuu yiri:- Anaa Damiinanaaya Amiirkii Mu’miniintoow .. Ninki waa la Fasaxay, wuuna baxay, Maalintii Koowaad waa Dhamaatey sidoo kale tii Labaad iyo tii Saddexaad-ba waa ay dhamaadeen dadkoo Dhan waxey u Cabsoonayeen saxaabiga Abuu Dar, si aan loogu Qaadin Xadka Dilka.

Haddaba, wuxuu Waqtigu is Guraba waxaa la gaaray Xilligii ay Qorraxdu Dhaceysay, oo Abuu Dar, ayaa la sugayaa in Xukunka lagu Fuliyo ileen Ninkii lama hayee. balse ILaah Mahadiis goor ay Qorraxdi dhaceyso oo ay Maqrib tahay ayaa waxaa Meel aad u Fog, oo Saxaraa ah wxaa ka soo Muuqday Ninkii la wada sugaayey isagoo uu ka Muuqdo Daal iyo Safar Dheer ayuuna soo hor Istaagay Amiirkii Mu’miniinta ee Cumar Binu Khadaab RC, isagoo dhahaayo: Waxaan u Dhiibey Hantidii iyo Walaalkeyba Abti-yaashiis, hadana waan kuu Imid si aad iigu Qaadid Xadka Dilka Amiirkii Mu’miniintoow.

Cumar wuu yaabay, waxaana uu Su’aalay Ninkii wuxuuna ku yiri:- Maxaa ku soo celiyey waxaa Suurtagal aheyd inaad Baxsatide.

Ninkii baa ku jawaabey:- Waxaan ka Baqay in la Dhaho Dadka Islaamka ah Dhexdooda waxaa ka Dhamaaday Oofinta Ballanta.

Cumar misana wuxuu Su’aalay Abuu Dar oo uu ku yiri: Maxaad u Damiinatay Ninkaan Adigoon wax Aqoon ah u laheyn yaa Abaa Dar.

Abuu Dar baa ku jawaabay:- Waxaan ka Baqey in la dhaho dadka Islaamka ah Dhexdooda waxaa ka dhamaaday Khayrkii iyo Naxriistii.

Intaas ka dib, waxaa Qisada la yaabay Wiilashii Aabahood la Dilay oo waxey yiraahdeen waan Cafiney Ninkaan waxna uma Qabno.

Cumar ayaa Su’aaley Wiilashii oo ku yiri:-Sabab, maxaadse u Cafiseen Ninkaan oo Aabihiin Dilay ?.

Wiilashii ayaa ku jawaabeen:- waxaan ka Baqnay in la Dhaho Dadka Islaamka ah Dhexdooda waxaa ka Dhamaadey Cafiskii.