Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 26 April 2024

Hambalyo Hambalyo Ciid Wanaagsan .. Waa Ciid Caashaq Loo Yahay .. Ka Naso Nolosha Wal- bahaarka Leh Oo Tani Waa Ciid Ee Aan Ciidno .. Waa Ciid Lagu Farxo Caruur Iyo Haween Xarago Lagu Casumay

Thursday - April 20, 2023



Ikhyaarey Bismilaahi Al-Raxmaan, Tu Khaas Ahna Saaxiibada Iyo Akhris-tayaasha ku taxan Galdogob Times .. Kadib Bisha Barakeysan Ee Ramadaan Hal Bil Oo La Soomay .. Hadaba Tobanki Habeen Ee u dambeysay ee ugu Xurmad badan sanadka iyo abaal-marinti "Leeylat Qadar" Ee aan ku guda jirnay Godadki cibaadada aakhirki maanta ayey soo idlaatay oo beri waa Kawdi Shawaal waa Ciidul Fidir-ki ugu weyneyd ee Muslimiinta .. Rabi Naxariistiisa Allaha ha naga aqbalo wixii Camal wanaagsan, Hidihi Suubanaa, dhaqanki wacnaa, iimaanki, Ducadi iyo wixii ilaah na faray aan sameynay mudadi aan ku jirnay Soonka

Waxaan idin leeyahay Ciid Mubaarak aad u diiran, Waxaan  hambalyo u dirayaa dhamaan ummadda  islaam meel-kasto ay ka joogaan Qaaradaha  Adduunka , Gaar ahaan umadda  soomaali ee u dabaal-dageysa Munaasabadaan ..  Allahu-Akbar, Allahu-Akbar. La ila-ha ill-lal-lah. Allahu-Akbar, Allahu-Akbar. Wa-lilahi Xamdu.

Ikhyaarey, Waxaan Bisin Laheyn Barako Ma Leh .. Ee Bisinka Qabsada Oo Caaqil-nimo Muujiya .. Anaga dhamaanteen waxaa u baahanahay in la is cafiyo .. dhamaanteen waxaan u baahanahay Allaah SWT Naxariista oo cabsi Eebe yey marna ciiro idin ka qarinin, isla markaana colaad iyo fidmo ha u noqonina ceelka laga dhaansado .. Cudur daran iyo Cadaw Sheydaan ha u yeerina .. Nabaduna Waa Caano iyo Wiil Cad ku dhalay .. Sanad Walbaba ku ciida Nabad Iyo Caafimaad 

Waa Mar Labaad, anigo aad ugu faraxsan Qalbigeyga, waxaan dhamaantiin idiin ku hambalyaynaya cibaadada suuban, waxaana idiin rajaynaynaa in dhamaanteen in aan noqono Rag iyo Dumar quman nabad, barwaaqo iyo baraare .. Allah Cibaabada Suuban Dhamaanteen Ha inaga Aqbalo .. Soomaaliya waxaan Allah uga baryaynaa in uu ka dhigo dhul nabad ah, Soomaalida Allah niyadooda ha isu wanaajiyo .. Sido Kale Dunida oo dhanna waxaan u rajaynayneynaa nabad waarta.

Waxaan ku soo af-meeray hambalyadaan , Allah Sannadkan Ciida kiisa kale Nabad iyo Barwaaqo ha inaku gaarsiiyo iyo Nabad Caam ku noqota Dunida insha Allah .. Dhamaantiin waxaanu idin leeyahay Ciid Mubaarak, ilaahay haynagu daro kuwa uu u dembi dhaafo.

Wabillaahi Towfiiq .. Wa Maxamed Calihashi " Ina Cadaawe" Oo Mar Kale Idin Leh Hambalyada Ciida Iga Gudooma