Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Maanta Xagee Xaalku Maraya .. Waxaadan Fileyn Iyo Falaari Waa Kaa Fajiciyan .. Darawishti Dhulbahante Maxaa Gaasas Iyo Guutooyin Xoog Leh Duulaaya .. Bixi Oo Sidi Carsaanyada Kolba Dhinac U Cararaya

Sunday - April 23, 2023





Garaadada Dhulbahante ee ciilka la yuurara oo Jooga magaalada Laascaanood ayaa ciidamada SSC ugu baaqay in ay muddo Toddoba Cisho ah ku soo afjaraan dagaalka ay kula jiraan Ciidanka Muuse Bixi, si dhaqso ahna loo Arbaca-Arbaceeyo indhahooda oo shan ah, isla markaana wixii ciidan oo gurmad Harti ah forontada hore loo soo dumo .. Durbaba ha la isku soo boodo oo deg deg ha laysu gacan qaado .. Ciidamada Korneyl Muuse noo Soo Diraayo iyaga xabaasha isu qodaaya oo waa Naf la caari ayey Garaadadu yiraahdeen

Sido kale Maayar Cabdiraxiin Cali Ismaaciil oo isna la hadlayay qaybo ka mid ah ciidamo beeleedka SSC ayaa ku baaqay in xabada la bilaabo, oo muddo kooban lagu soo gabagabeeyo dagaalka., wuxuuna sheegay in "Garaadadu ducay leeyihiin oo karaamo ayay leeyihiin, karaamadii way idin fareen, Saanadii iyo imkaaniyaadkii ciidana way inoo dhiibeen, xabada aynu galno, oo aynu dhamaystirno, Toddobada cisho ee soo socda waar aynu ku kala baxno meesha" ayuu yidhi maayar Cali.

Waxa uu sheegay in dagaalka Laascaanood uu saddex mid uun ku dhamaanayo in ciidamada Somaliland laga adkaado, iyo in kuwa SSC laga adkaado iyo in xukuumada Somaliland ay dib u fikirto oo ay ciidamadeeda ka saarto deegaanada SSC.

Garaadka Guud ee SSC Garaad Jaamac Garaad Cali iyo Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo hogaamanaya gulufka dagaal ee Somaliland ka dhan ka ah, ayaa iyaguna ku baaqay  dagaalka.

Labada dhinac ayaa diyaargarow ugu jira dagaal, waxaana la filaya in berri iyo maalmaha ka danbeeya uu dagaalku si toosa u qarxo.