Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 20 April 2024

Iska Jir Caafimaadka Waa La Isku Eegaya Bal Inaad Mahad-naqdaan Iyo Iney Sabraan Kuwa Laga Qaaday .. Maxaad Ka Ogtahay Lix Daawo Oo Awooda Raga Hoos U Dhigta Aadna Loo Isticmaalo

Monday - April 24, 2023



Daraasado kala duwan ayaa lagu ogaaday Dawooyin saamayn wayn ku yeesha awoodda Ragannimada, si joogto ahna loo isticmaalo .. Liiska hoos ku xusan waa Dawooyinka ay habboon-tahay in ay iska ilaaliyaan Ragga si aysan hoos ugu dhicin awooddooda Ragannimo.

Nolosha Gogosha waa mid ka mid ah baahiyaha ugu waawayn ee bani’aadanka, hase yeeshee mararka qaar waxaa ku yimaada caqabado.

Sababo kala duwan ayaa keeni-kara caqabadahaas, balse qaarkood waxaa mas’uul ka ah Lix nooc oo Daawooyin ah, sida lagu shaaciyay Wakaaladda Wararka ee ANI, oo xog gaar ah ka soo diyaarisay mowduucan amase daawooyinka awooda Raganimada hoos u dhiga, waxaana ka mida:

1-Xanuun-baabi’iye
Dad badan ayaan ka laba-labayn inay isticmaalaan Dawooyinka xanuun-baabi’iyaha, haddii xitaa xanuunka ay dareemayaan uu yahay mid yar, Laakiin ma ka war qabtaa in isla dawooyinkaas aad xanuunka ku baabi’inayso ay saamaynayaan Awooddaada Ragannimada hoosna ay u dhigayaan?
Xanuun-babi’iyeyaashu waxay ka hor tagaan inay samaysmaan unugyada Taranka, waxayna dhaawacaan hormoono badan oo muhiim u ah gogosha dhex marta Ragga iyo Dumarka.

2- Daawada Walwalka
Dad badan oo ka cawda xanuunka Walwalka ayaa qaata Dawooyin ay kula tacaalayaan Walwalka.
Hase ahaatee, isla dawooyinkaas ayaa hoos u dhiga Hammiga Galmada.
Dawooyinkan waxay sababi karaan in qofka uusan danayn arrimaha xiriirka jinsiga, Xitaa qaarkood waxay Ragga u sababaan in uu dareenka ka lumo gebi ahaanba.

3- Dawada dhiigga xinjirooba
Dawooyinka loo isticmaalo xanuunka afka qalaad lagu yiraahdo cholesterol (Kolestaroolka), oo ah xinjirowga dhiigga, ayaa iyagana kaalin wayn ka qaata dhimista awoodda Ragannimada.
Khubarrada caafimaadka waxay sheegeen in dawooyinkan ay faragelin ku sameeyaan hannaanka ay u shaqeeyaan Unugyada Taranka.

4-Dawada Dhiig-karka
Bukaannada qaata dawooyinka loogu talagalay dhiig-karka ayaa sidoo kale la kulmi kara caqabad kale oo ah in ay awoodooda Ragannimada hoos u dhacdo .. Dawooyinkan ayaa si toos ah ula fal gala xididdada qulqulka dhiigga oo sidoo kale ah kuwa la shaqeeya dareenka gogosha.
Khubarrada qaarkood ayaa intaas kusii daray in xitaa ay jiraan dhibaatooyin ay dumarka qudhooda kala kulmaan dawooyinkan, kuwaasoo la xiriira xubnaha Taranka.

5- Dawada Sanboorka
Dawooyinka lagula tacaalo Sanboorka, sida cuncunka gudaha Sanka iyo Hindhisada qayrul caadiga ah ayaa dhinaca kalena dhibaatadooda wata .. Waxay horseedi karaan caqabado Ragga iyo Dumarkaba ka soo wajaha dhinaca Himada