Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Ku Soo Dhawaada Qisadaan Macaan .. Gabadhi Saqda Dhexe Quraanka Akhrin-jirtay Oo Loo Markhaati Furay

Friday - April 28, 2023





Waxaa qisadan ka sheekeynaya SHIKH goob joog ka ahaa .. waxa u leeyahay Sida tan: Gabadhaan waxa ay ahayd mid ALLE weyne u siyay Cod aad u macaan, taaso ay ku akhrin jirtay Quranka Karimka Habeenka Intiisa dambe, heer waxa ay gaartay ay hooyada gabadhan dhashay ay soo jeedo habenka intiisa dambe si ay u dhagaysto Codka aadka u Quruxda badan oo ay gabadheda Quranka Ku akhrinayso,

Dabaded, Maalin maalmaha ka mid ah, ayaa waxa dhacday in Gabadhii xanuunsato, xanuun daran, waalidkeed waxa ay go'ansadayn in ay Isbital u qadan Gabadhoda, kadib waxa ay u qadayn Isbitalka Laakin Nasiib xumo daqiiqado yar kadib waxaa loo sheegay in gabadhooda ay Geeriyotay, murugo iyo isa samarsin kadib waxa la'aasay Gabadhi, laakin maxa dhacay marki la'aasay kadib?

Waxaa la yimid Gurigii, waxaa meesha ka baxay farxadii lagu yaqaanay Reerkan, laakin marki la gaaray habeenkii waliba xiliga ay gabadha akhrin-jirtay Qur'aanka, waxaa soo kacay hooyadji sida caadada u ahayd-ba marka ay u soo dhawaatay qolkii Gabadha ay daganeyd, hooyadii waxa ay maqashay, Oohin, weliba dad badan oo ooynaya, hooyadii way argagaxday, kadib waxa ay soo kicisay Aabihii Guriga, kadib isagana wuu la yabay,

Waxa uu galay qolka, waxa uu daaray leyrka Qolka mise cidna kuma jirto, habenkii 2-aad iyo habeenki 3-xaad waa sidii wax baa ooynaya marki la gaaro xiligii ay Gabdhu Qur'aanka Aqrin jirtay, hadana lama arkayo .. kadib arintan waxa loo bandhigay SHIIKHA qisadan Warinaya,waxaa la balamiyay Xiliga ay arintan dhacdo oo ah 1:00 Am .. kadib shiikhii ayaa yimid Guriga, mise waxa uu maqlay wixii ay horay u maqli-jireen reerka, kadib Shiikhi isagana waxa uu la dhacay oohin xad dhaaf ah, tasoo ka yaabisay reerki oo dhan, mudo kadib ayuu Shiikhi ku yiri reerka: Maxay Qaban jirtay Gabadha xiligan oo kale?,
Mamada guriga ayaa dhahday: xiligan oo kale waxa ay akhrin jirtay Qur'aan, Salaatul-leelna way Tukan jirtay. Kadib Shiikhii isaga oo oynaya ayuu dhahay,Walaahi waa ruux wanaagsan gabadhaas sababtoo ah,waxa ooynaayo oo adan arkeynin waa MALAA'IG iman jirtay xiligan oo kale kuwaaso waayay codkii wanagsanaa ee gabadha taasoo Qur'aanka ku aqrin jirtay cod macaaan.

Hadaba walaal ruux walba oo fariintan aqrinayow, is weydii
→ Maxaad u diyaarsatay la kulanka Alle?
→ Ma Akhrisaa mana Fahamtaa Kalaamka ALLE Weyn?,
→ Ma Tukataa Salaatul-leylka?