Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Waa Taariikh Iyo Asraar U Qoray Qoraa Bakistani Ah Oo La Yiraah Adib Mizra .. Tuugi Baska Gudihiisa Lacgta Iga Xaday Maxaase Dhacay

Thursday - May 4, 2023



Sanadki iyo xiligi Lix-damaadki ayaan shaqo u doontay Magaalad Dalhi ee cariga Hindiya, halkaaso maalin maalmaha ka mid ah, waxa aan ka dagay Baskii aan la socday, dabadeed markaan Baski ka degay waxaan taabtay jeebab-keygi, isla markiiba waxa aan ogaaday in daalin i xaday .. Jeebabka waxa iigu jiray lacag 9 Rubbi iyo Warqad aan hooyaday u qoray oo aan islaha u dir.

Warqadda aan hooyo u diri-lahaa waxa ku qornaa: Dear Hooyadaydii naxariista badnaydeey shaqadii waa la iga eryay, bishanna kuuma soo diri-karo 50-kii Rubbi ee joogtada aan kuugu soo diri jiray ee hooyoy raali iga noqo

Warqadaas oo qoran Sadex cisho ayay jeebadda iigu jirtay, waxa aan rajaynayay in aan diro marka aan dhawr Rubbi oo kale helo. Marka sagaal Rubbi la eego wax sidaas u badan may ahayn, hase ahaate marka la ii eego aniga oo shaqadaydii la iga eryay, wixii aan adduun haystayna 9 Rubbi ahaayeen, waxay ila ahayd in la iga xaday 9000 oo Rubbi.

Maalmo markii ay tageen, hooyaday waxa iiga timi warqad ay ku soo qortay: Hooyo 50 Rubbi ayaan ka helay xawaaladdii aad soo dhigi-jirtay, Alla hooyo wanaagsanida wakhtigeedii ayay ii timi lacagtu adoo shaqadii lagaa eryay waliba ee Arsaaq Barako leh ayaan kuugu duceeyay.

Maalmo dhan ayaan yaabana, wareersana,  oo aan leeyahay yaa hooyaday u diray lacagta waa yaabe? Maalmo kadib waxa ii timi warqad dirqi lagu akhriyayo fartay ku qoran-tahay marka la eego waxa ku qora: Adreskaaga ayaan ka helay galkii warqadaada, 9 Rubbi waxa aan ku daray 41 Rubbi oo aan hore u uruuriyay, kadib waxa aan ku diray ciwaanka galka warqaddaada ku qoran, in badan ayaan ka fikirayay hooyaday iyo hooyada, kadib waxa aan iri, maxay hooyadii gaajo ugu seexanaysa oo aad u qaadanaysa laba danbi .. Nabadeey waa Tuuggii Baska kugu xaday oo dadnimo iyo xishood ku hartay