Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Dabka Ay Shideen Ciil-Qabayaasha Waa Taase Ka Dabaasha .. Rabi Ha Kala Qaboojiyo Walaalaha Fooda Is Daray .. Xeer ilaalinta Puntland Oo Amartay Soo Qabashada Aaran-Jaan

Wednesday - May 17, 2023



Garowe- Xeer Ilaaliyaha guud ee Puntland ayaa sheegtay in ay waaran soo qabasho u jareen 4 qof oo ka mid ah Siyaasiinta gobalka Nugaal, oo lagu eedeeyey in ay ka dambeeyeen weerarkii lagu qaaday Sanaadiiqda cod-bixinta ee Garoowe, kaas oo dhimasho iyo dhaawac geystay habeen ka hor.

Xeer Ilaaliyaha ayaa sheegay in ay amreen in maxkamad la hor-keeno xubnaha kala ah, Wasiirkii hore ee Maaliyadda Xasan Shire Abgaal, Ergeyga Madaxweynaha Soomaaliya ee Khadar Faroole, Wasiir hore Maxamuud Shiddo iyo Maxamed Jaamac Faarax.

Dhammaan xubnahan ayaa ah Saaxiibadii hore ee Siciid Deni, ku dhistay Madaxweyne-nimada Puntland 2019-kii, iyagoo ka horna ahaa sasxiibo siyaasadeed.

Ku dhawaaqista go’aanka waaranka ah ee Xeer ilaaliyaha Guud ee Puntland ayaa imaanaya xilli uu saaka isaga socdaalay Garoowe, Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo u amba-baxay caasimadda Puntland ee Garoowe.