Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Caqliga Cafimaadka Qaba Wuxu Ku Jira Jirka Caafimaadka Qaba .. Aaran-Jaan Guriga Rara Baad Tiraahdaan Haddana Roga Ee Xagee Idin Raacnaa .. Cajab Hor-Leh Sheeko Iyo Shaahid Deni Taarikh Culus Dhigay

Friday - May 26, 2023




Madaxwaynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Bogaadiyay Guusha laga gaaray Doorashadii taariikhiga ahayd ee ka qabsoontay inta badan gobollada Puntland.

Madaxwayne Deni ayaa ugu horeyn sheegay in uu ugu hambalyeeynayo shacabka Puntland Dowrka ay ku lahaayeen Qabsoomidda Doorashada oo uu sheegay in ay ka dhacday 30 Degmo oo ka tirsan 7-kamid ah Gobollada Puntland .. Deni ayaa xusay in tani ay tahay Fursad Taariikhi ah oo mudan in laga faaiideysato si dalka ay kaga hergasho Dimuquraadiyad Sax ah.

Waxa uu tilmaamay in madaxda Dowladda Somalia iyagana looga baahan-yahay in ay dalka ka hergeliyaan Doorasho tan la mid ah maadama shacabku doonayo in ay soo doortaan shaqsiyaadka ay waxqabad ku tuhmayaan.

Deni waxa uu mahad-celin u jeediyay shacabka, Hay’adaha Amaanka, Waxgaradka iyo Beesha Caalamka oo uu xusay in dhamaantood ay dowr-wayn ku lahaayeen hergelinta doorashadaan.

Puntland ayaa noqotay dowladii ugu horeysay oo qayb ka ah federaalka oo deegaanadeeda ka hergelisa Doorasho la bogaadiyay, waxaana ay tani hal xiraale u tahay maamulada kale ee dalka iyo DFS oo dhamaantood looga baahan yahay in ay ka soo jawaabaan ama ay soo furaan Hal-xiraalahaasi.