Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Durbaanka Saaka Mucaaradku Garaacay Ee Heshiiska Laga Sawiray .. Khaladka Dhodhoobka Ee Laga Fahmay Heshiiski Golaha Wada-tashiga Oo Fasiraad Ka Baxshay Sharici-Yaqaan Amiin Haaruun

Monday - May 29, 2023




Tan iyo markii uu Golaha Wadatashiga Qaranka uu baahiyay War-murtiyeedka shirkii u dambeeyay ee ku yeeshay Villa Somalia, ayaa waxaa xoogeysaneyay walaaca laga qabo heshiisyada ay Madaxda Golaha ku gaareen shirkaasi.

Madaxdii hore ee dalka iyo siyaasiyiin miisaan culus leh oo iyagu inta badan wax kasta oo la sheego ka hor-yimaada ayaa si adag uga hortimid, iyaga oo ku tilmaamay mid baal-marsan shuruucda dalka u yaalla iyo awood qeybsiga siyaasadeed ee dadka Soomaaliyeed hore ugu heshiiyeen.

Sidoo kale waxay sheegeen in go’aanada kasoo baxay Golaha Wadatashiga Qaranka ay khatar gelin karaan Midnimada iyo wada-jirka umadda Soomaaliyeed, waxayna ku baaqeen in go’aanadaas masiiriga ah ee dalka laga qeyb-galiyo dhamaan dowlad-goboleedyada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed.

Aamiin Haaruun oo ah sharci yaqaan degan Minnesota ayaa waxa uu sheegay in go’aanadda kasoo baxay Golaha Wadatashiga Qaranka ay yihiin heshiis siyaasadeed, oo hadda iyo kow u baahan dhaqan-gelin, ee aysan aheyn qaraar kama dambeys ah oo meel-maraya.

Garyaqaan Haaruun ayaa waxa uu ka dhawaajiyay in heshiiskan siyaasadeed ee gaareen madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka uu ka dhigan yahay "isku-day hal abuur iyo talo soo jeedin", taasi oo u baahan in laga doodo wixii wanaagsan laga qaato, wixii kalena laga tuuro.

"Sharcigan dhaqan-gal ma ahan, sidaasna maha. Sharci waa wixii Baarlamaanku ansixiyo, guddiyo iyo dooda badan kadib oo hadana madaxweyne saxiixo "ayuu yiri Garyaqaan Aamiin Haaruun.

"Heshiisyadani waa isku day hal abuur iyo talo soo jeedin loo baahan-yahay in laga doodo oo wixii wanaagsan laga qaato, wixii aan fiicnayna laga tuuro. heshiisyadani ugu yaraan waxay furayaan dood iyo aragtiyo wax lagu dhisi karo"

Garyaqaanka ayaa ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in doodaha noocaan oo kale ah abuurayaan fursado lagu curiyo fikrado loo aayi karo iyo albaabada doodo Qaran.

Qaranka ayaa yiri: waxaa lagama maarmaan u ah in mar waliba doodo lagu jiro lagu hagaajinayo dowladnimada iyo adeegyada dadka loo hayo. Sidaas ayaa haboon in loo fahmo.”