Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 22 October 2024

Maashaa- Allahuye SSC Khatumo Amaan Bey Mudan-yihin Oo Murti Duco Ayaan Ku Hurnay .. Galdogob Times Oo Meel Fog Dhambal Hambalyo Cajaba Uga Direysa Madaxweynaha Cusub Ee Loo Doortay SSC Khaatumo State

Saturday - August 5, 2023




Waxaa shalay galab tartanki doorashada madaxweyne SSC-Khaatumo State loo doortay Mudane Cabdul-qaadir Axmed Aw Cali oo ku guuleystay tiro 30 Cod halka jaalihi la tartamaayey u isna helay 25 Cod,  waxaana isa soo taraya hambalyada kala duwan ee ka iimaanaya dunida daafaheeda .. doorashadaasna waxay daliil u tahay adkeysiga iyo sabirka taariikhiga ee reer SSC- Khaatumo ay isaga caabiyeen gardaradi Taliska Hargeysa

Hadaba Shabakadaan Galdogob Times oo guushaas ku faraxsan, waxay halkaan ku soo gudbineysa dhambaal hambalyo oo ku wajahan madaxweynaha la doortay mudane Cabdul-qaadir Axmed Aw Cali, waxaana hambalyada taas la mida u direynaa Shacabka Reer Khaatumo ee xaqiijiyey guusha maanta la gaaray, waa guul taariikheed in dadka Sool Tartan Xor iyo xalaal ugu tartameen doorashada madaxweyne, doorashadaas oo ku qabsoontay jawi nabadeed .. Doorashadaas waa guul u soo hoyatay dhamaan shacabka Reer Sool

Cala Ay Xaal Gunaanad .. Madaxweynaha la doortey ayaanu Ilaahay uga baryaynaa inuu u sahlo xilka loo igmadey oo ah waajibaad culus .. Waa xil ballaaran oo aannu u rajaynayo in Ilaahay u fudeydiyo. 

Galdogob Times iyada oo kalsooni ku qabta Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka la doortey ayaannu kula dardaarmaynaa inay ku baraarug-sanaadaan cabsida Ilaahay iyo inay la yimaadaan dedaal aan hagrasho lahayn iyo talo saarasho Alle .. Waxa aannu Ilaahay uga baryaynaa inay noqdaan kuwo horseeda mustaqbal cusub oo jawaabo ka bixiya baahiyaha aasaasiga ah ee ay wax ka qabashadooda si aada u tabayaan dadka reer Sool.