Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 22 October 2024

Wax Badan Akhri Wax Badan Ogow .. Dawladi Hore Ee Shiinaha Oo Sidi Somaliya Kala Daadatay Noqotay Dawlad Faashiil Ah Iyo Qorshihi Ay Ku Soo Celiyeen Xasilooni Iyo Maamul Dawladeed Oo Kala Dambeyn Leh

Sunday - August 6, 2023





Dawladihii Shiinaha ee hore mid ka mid ah ayaa kala daadatay oo noqotay dawlad faashil ah, Burburkii dawladeed waxa dadkii ugu darsmay abaaro iyo dufaano is dabjoogo .. Cunadii ayaa yaraatay dadkiina gaajo iyo macaluul ayaa ku habsatay, Waxana u xigay oo ugu darsamay qas iyo qalalaase.

Dadkii maatada ahaa gaajadii iyo macaluushii waxa ugu darsamay Budhcad iyo Tuug dhac iyo dil la dhex gashay taaso keentay in Xaaladdii ay gaartay in laga quusto in noloshu mar kale caadi ku soo noqoto  .. waa sida somaliya ka dhacday

Dadkii iyaga oo quus jooga ayaa wixii madax iyo waayeel is helay shireen .. Nin mar madax ahaa oo kalsooni weyn lagu qabay ayay hogaamiye u doorteen oo u xil saareen in uu dalka ku soo celiyo nabad gelyo, xsilooni, iyo maamul kala dmabayn iyo haybad leh.

Hogaamiyihi wuxu hawshiisii ka bilaabay in uu ciidan amaanka suga dhiso. Xayaysiis ayuu u sameeyay ciidanka uu doonayay in uu dhiso, isla markiina Saddex heer oo kala sareeyana uu yeelay.

Heerka ugu sareeya wuxu ka dhigay wixii qirtay in ay yihiin dad-dil iyo Burcad. Waxaanu ka dhigay madaxdii u saraysay ciidanka mushahaaradii ugu badnaydna wuu u qoray .. Heerka labaadna wuxu Ka dhigay wixii qirtay in ay yihiin Tuug, oo derejadii iyo mushaharkii labaad lagu qaatay. 
Heerkii Sadeexaad ee ciidankana waxay noqondeen dhuljiifkii gurdan raacay burcadda iyo tuugta oo noqday askartii ciidanka, mushaahaardii u hoosaysayna loo qoray.

Muddo Laba Todobaad gudahood ayaa taliyihii arrinta loo xilsaaray dhisay ciidan Kun askari ku dhow. Ka dibna ciidankii ayuu habeeyay oo ciidan is haysta oo rasmi ah ka dhigay. Markii uu ku qancay in uu ciidankii gaarsiiyay halkuu la doonayay ayuu soo tubay oo la hadlay.

Wuxu ku yiri, "Wixii dembi ah ee aad qof qof u gaysateen waa laydin ka saamaxay. Mar dambena laydiin raacimaayo Hasa yeeshee, waa in aad ka Toobad keentaan iskana mayrtaan dembiyadii aad  qaranka ka gasheen .. Si aad dembiyadaa isaga mayrtaana waa inaad burcaddii iyo tuugtii saaxiibadiin ahaa ee ku soo biiri-waayay ciidanka soo qabataan haddii ay idin diidaana laysaan!"

Ciidankii qorshihii taliyuhu u dejiyay ayay si dhab ah u fuliyeen. Waxaanay ku guulaysteen muddo Sanad gudihii inay laayaan saaxiibadood oo ciribtiraan burcaddii iyo tuugtii Ka dibna dadki helaan nabad gelyo, xasiloon, iyo maamul dawladeed!!!