Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 26 July 2024

Jeebkeeda Bay Wax Ka Baar-baaranayaan .. Gudiyo Barlamaan Wax Kheyr Qaba Abid Looga Aayin Ayey Wasir Fardosa Ula Xintamaya Sidii Laba Hablood Oo Ari Jir Ah .. Fardosa Ma Aha Mid Reer Loo Maqaar Saaray

Monday - August 7, 2023




Muqdisho – Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, Fardowso Cismaan Cigaal ayaa hortagtay xubnaha xeer-dajinta guddiga Gaadiidka ee Golaha Shacabka oo aad moodo in Dad dano gaara leh dabada ka soo qan-jiiriyey, kuwaaso wasiirada dambi u baadi-goobaya ayaa hadba inta jeebka wax kala soo baxa wax ka weydiiyay howlo xitaa aan shaqo ku lahayen wasaarada Sida Daaqadihi wasaarad oo lala baxay iyo Daahyadi oo la goostay  sanadadi 1991

Guddiga oo xumad ka qaaday jawaabaheeda cad-cad ayaa su’aalo aan hadba la ruugin weydiiyay wasiir Fardowso waxaa kamid ah inay shaqaaleysiisay dad ay qaraabo dhow yihiin oo tiro ahaan ay ku sheegeen ila Sideed Qof, isla markaana ay ku sugan-yihiin gudaha dalka iyo dibadiisa, laakiin Wasiir Fardoosa oo su'aalahaas si ixtirama ugu garaacday oo hibo hadal leh uga jawaabtay waxay sheegtay in dalka u leeyahay nidaam la maro iyo hay'do ka shaqeya sugida shaqaalaha ee iyaga ha la weydiiyo haddi sharciga la jabiyey.
 
Sidoo kale wasiirada waxa ay si cad u beenisay inay jiraan sideed qof oo ay ka shaqaaleysiisay wasaaradda, waxayna ka dalbadatay gudiga inuu dabagal ku sameeyo arintaasi soona hubiyo, balse iska hadal ma fiicne aan baarista lala marin sheekooyinka "Hoax-ka Face-buuga .. wasiirada waxay kalo warkeeda si raacisay in ay fiican-tahay in wax la hubsado oo si sax ah wax nalo weydiiyo, balse waxa ay sheegaa kuwa munaafiqiinta aan warkooda la tix-galin.

Gabagabo gudigi markay ka caal-waayeen Jawaabihi Wasiir Fardoosa, waxay sheekadooda waa sida la yiriye ku soo xireen: "Yeenan Tan Ku Daalin Oo Waqtiga Inaga Lumin ee naga keena"