Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 26 July 2024

Waagi Beryaaba Waayo Leh .. Waalid Wiilkoodi Ku Bedashay Taleefonka IPhone

Tuesday - August 8, 2023





Galbeedka gobolka Bangal ee waddanka India ayaa dadku ka argagaxeen dhacdo ka dhacday taas oo Lamaane ku noolaa gobolka ay ku kaceen, sida ay qortay warbaahinta gudaha ee dalka India.

Lamaanahaan ayaa iibiyay wiilkooda oo sideed bilood jir ahaa si ay u iibsadaan taleefanka ay soo saarto shirkadda Apple ee nuuciisu yahay iPhone 14.

Sababta ay u doonayeen in ay helaan taleefanka ayaa lagu sheegay in ay rabeen in ay sameeyaan muuqaalada la galiyo qaybta "Reels ka" ee barta Instgram taas oo inta badan dadku ku madadaashaan inta ay ku jiraan baraha bulshada .. Qoysaka ayaa wiilkooda siistay qiimo lacageed oo gaaray $2,400 oo doollarka Maraykanka ah.

Booliska gobolka Bengal ayaa ku guuleystay in ay gacanta ku soo dhigaan hooyadii dhashay wiilka yar oo ahayd qofkii sida dhabta ah masuulka uga hayd iibinta ilmaha .. Waxaa la sheegay in ay ka soo jeedo qowmiyadda "Sathi. Balse aabaha ayaa ilaa iyo hadda aan gacan lagu hayn, waxaana baadi goobaya booliska gobolka.

 Sida lagu ogaaday arrintaan .. Arrintaan ayaa laga war helay kadib markii qoysaskii dariska la ahaa Lamaahanahaan ay waayeen wiilka yar, haddana aysan waalidka uusan ka muuqan wax walwal ah oo ku aadan maqnaashaha cunugooda. Intaas waxaa ku sii darsamay in marar badan ay ka hadli jireen taleefanka iPhone 14 taas oo joogay lacag fara badan .. arrintaan ayay ka shakiyeen mar kale dariska qoyskaan, iyada oo sidoo kale ay horey u ogaayeen in dhaqaale xumo baahsan ay haystay qoyska.

Kadib markii dhawr mar su’aalo la waydiiyay haweeneyda wiilka dhashay ayay ugu dambeyn waxay qiratay in ay iibsatay wiilkeedii si ay u hesho lacag ay ku iibsato iPhone, taas u sahli lahayd in ay sameeyeen muuqaalo ka soo galiyaan barahooda bulshada, kuwaas oo muujinaya safaro kala duwan oo ay ku tagi lahaayeen qaybo kamid ah gobolka Bengal.

Arrin kale oo lagu baraarugay ayaa ah in Aabaha qoyska uu sidoo kale doonayay inuu iibiyo Gabar Todoba sano jir ah oo uu Aabaha u ahaa .. Booliska ayaa bilaabay kayska Lamaanahaan iyada oo hooyada wiilkeeda iibisay ay wajihi doonto eedeymo dambi la xariira ka ganacsiga Aadanaha.

Booliska gobolka Bengal ayaa wali wada baaritaan dheeraad ah, iyaga oo sheegay in ay warbaahinta la wadaagi doonaan marka ay soo afjaraan .. India ayaa marar badan waxaa laga soo tabiyay kiisas kuwaan la mid ah oo waalidiin ay doonayeen in ay iibiyaan caruurtooda si ay u helaan waxyaabo dhaldhalaal ah.

Waxyar kadib markii arrintaan la ogaaday booliska ayaa war bixin cusub oo helay taas oo ay ilmaha yar uga soo badbaadiyeen haweeneey dagan xaafad lagu magacaabo Khardah. Sida muuqatay lamaanaha ayaa haweeneyda ka iibiyay wiilkooda yar ..Haweeneyda laga soo helay wiilka ayaa lagu magacaabaa Priyanka Ghosh. Sidoo kale booliska ayaa iyadana soo xiray