Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 22 October 2024

Khaatumo Iyo Jabhada Gacan-Libaax Oo Fulin-doona Weeraro Wada jira .. Hogaanka SSC-Khatumo Oo Ka Soo Jawaabay Dalabki OOf-Wareen

Sunday - August 13, 2023




Maamulka SSC-Khaatumo ayaa ka soo jawaabay dalab shalay uga yimi hogaanka Jabhada Muuse-diidka ah ee ku-sugan Gacan-Libaax .. Madaxa Jabhada Gacan-Libaax General Maxamed Aadan Diiriye "Oofwareen" ayaa mar uu shalay la hadlayay saxaafada fariin u diray dagaal-yahanada SSC-Khaatumo, isaga oo ka dalbaday in ay sii wadaan dagaalka ay degaana-dooda uga saarayaan melishaadka Muuse Biixi ee ku sugan Goojacade.

SSC-Khaatumo oo hore u soo dhaweysay jabhada Gacan-Libaax ayaa dalabka Oofwareen isla maantaba uga jawaabay weerar ay ku qaadeen godka Goojacade .. Xukuumada Muuse ayaa weeerarka cabaad Af ingriis ah uga jawaabay weerarka SSC-Khaatumo ee Goojacade.

Saraakiisha la magac baxday Dulmidiid kaga soo biiraya jiida hore ayaa la sheegay in ay soo dhaweyn iyo qakabeynba ka helayaan haatan SSC, isla markaana ay dalka isku sii fidinayaan.

Wararka la heleyo ayaa sheegaya in maalmaha soo socda Khaatumo iyo Jabhada Gacan Libaax ay fulin- doonaana weeraro wada jir ah isla markaana ay yeelanayaan xiriir balaaran oo sida ay yiraahdeen dalka looga saarayo HEEGO.