Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 22 October 2024

Guusha Ninkii Gooba Waa Ka Gun-gaara Ee Guul Horseeda Oo Soo Gabagabeeya Dhibkaan Gaaray Shacabka .. Ciidamadi Khatumo Oo Inta Badan Yool-koodi Gaaray

Wednesday - August 23, 2023




Laascaanood- Dagaal khasaare baaxad leh dhaliyay, ayaa Salaasadii maanta ka dhacay Aagaga ku xeeran Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool oo dhaw-rkii bilood ee u danbeeyay tan iyo bilawgii sannadka marar baddan dagaalo ku dhex-marayeen Ciidamada Somaliland iyo xoogaga Khatumo State 

Dagaalka maanta ee u danbeeyay ayaa ka dhacay dhawr jiho oo duleedka Magaalada ah, kuwaas oo ka mid jihoooyinka goobaha fariisimada u ah ciidamadda Somaliland ee ku sugan halkaa, wuxuuna dagaalka oo socday saacado baddan, isla markaana soo gaaray ilaa xilli danbe ku dhowaad cishihi sababay khasaare ba’an oo laysugu awood sheegtay.

Sida sheegayaan wararka aannu ka helay goobaha dagaalku ka dhacay waxaa la tilmaamaya in dhawr jeer labada dhinacba ay fariisimaha ciidan iska weerareen, balse inta badan waxa lagu muquuniyay ciidamadi somaliland iyadoo Hub iyo gaadiid dhawr ah laga gubay, isla markaana uu jiro dhaawac iyo dhimasho, wallow aan si dhab ah loo hayn baaxadda khasaaraha labada dhinac, waloow afka loo badinaayo in cidamadi somaliland goobo aaga hore ah laga qabsaday, khasaara badana loo geystay