Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 11 October 2024

Aduunyooy Nin Ku Doonaa Ku Waa .. Madaxi Kooxda Winger Ee Calooshood U Shaqeysta-yaasha Oo Lagu Dilay Shirqol Abaabulan

Thursday - August 24, 2023





Madaxii kooxda calooshood u shaqeysta-yaasha  Wagner Yevgeny Prigozhin ayaa ku dhintey shil diyaaradeed ka dhacay dalka Ruushka .. Wegner ayaa ku jiray liiska rakaabka diyaaradii ku burburtay Ruushka, waxaana ku dhintay 10-kii qof ee saarnaa. Mar sii horreysay janaalka Telegram ee ku xiran Wagner ee Grey Zone ayaa sheegay in diyaaradda ay ku soo rideen difaaca hawada gobolka Tver ee waqooyiga Moscow.

Prigozhin ayaa bishii June hogaaminayay gadood fashilmay oo ka dhan ahaa ciidamada qalabka sida ee Ruushka .. Hoggaamiyaha kooxda calooshood-u-shaqaystayaasha ah ee Wagner Yevgeny Prigozhin ayaa la sheegay inuu magaciisu ku jiray liiska rakaabka diyaaradda, hase yeeshee ma cadda inuu diyaaradda saarnaa.

Warar aan weli la xaqiijin ayaa sheegaya in diyaaradda uu lahaa Prigozhin oo aasaasay shirkadda amniga ah ee gaarka ah ee Wagner.

Wakaaladda wararka Ruushka ee Tass oo soo xiganaysay saraakiisha gurmadka ayaa sheegtay in diyaaradda ay la socdeen saddex duuliye iyo Toddoba rakaab ah. Mas’uuliyiinta ayaa sheegay inay baarayaan burburka diyaaradda oo ka dhacay gobolka Tver oo ilaa 100KMs dhinaca Waqooyi ka xiga Moscow.

Prigozhin, oo ciidankiisu ay ka garab dagaalamaneen kuwa Ruushka dalka Ukraine ayaa sameeyey kacdoon muddo gaaban socday bishii Juun kaasi oo ka dhan ahaa hoggaanka milatariga waddankaas ..  Aqalka looga arrimiyo Ruushka ee Kremlin ayaa sheegya inuu masaafuris u joogi doono Belarus, kadibna ciidankiisu ay hawlgal noqon doonaan, ama ay u raaci doonaan waddankaas ama ay ku biiri doonaan milatariga Ruushka.

Waxaa loo maleynayaa in hogamiyahan oo saameyn xoog leh ku leh wadamada Afrika qaar kamid ah in lagu dilay shirqool abaabulan.