Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 27 July 2024

Sheeko Iyo Shaah Cadeysa .. Dabagaale Iyo Diin Sixroolayaal ah

Sunday - August 27, 2023



Waxaa jiray Laba Tuug oo sixirka yaqaan ayaa Beer weyn oo hodman si joogta ah u xadi jiray .. Wax-soosaar badan ayey beerti ka xadeen .. Dadkii beerta lahaa waxay arkeen in beer-tooda markasta la xadaayo, saas daraadeed Raad iyo Ruuxba Waxay u kuur galeen in ay tuugta beertooda xadyasa dabagalaan oo qabtaan.

Dadki Beerta waxay u kuurgalaanba daba-taagnaadaan tuugtiiba, waxay subaxi hore arkeen Laba qof oo ka sii baxaya beerta, kadibna way ka daba tageen labadii qof.

Markay ku dhawaadeen oo qaban rabeen ayay labadii qof arki waayeen. Meeshii aragooda ugu damabaysay oo dhowayd ayay ka baadi-goobeen laakiin Halkii waxay ka haleen Dabagaale iyo Diin!

Nin dadkii beerta lahaa ka mid ah oo yaaban ayaa yiri, "Iyaba waa yaabe! Waar ma Tuugtii la sheegayay ee Sixirka taqaanay ayaa ina xadaysay? oo dee markaynu qaban-lahayen ayey Dabagaale iyo Diin noqdeen !!!”