Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 27 July 2024

Rag Cadaalad Waayey Sidii Cawsha Kala Yaac .. Madaxweyne Xasan Shiikh Oo Ugu Dambeyn La Heshiiyey Halgamaa Cali Jayte

Wednesday - August 30, 2023






Dhuusamareeb  – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa wada-hadallo hoose oo dhex-maray madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo guddoomiyihii hore ee maamulka gobolka Hiiraan, Cali Jayte Cismaan oo uu wehlinayo Ugaaska guud ee beesha Xawaadle Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan.

Wada-hadalladan oo ku socda qaab hoose ayaa qaatay dhowr maalmood, waxaana looga hadlay gadoodka Cali Jayte ee ka dhashay xilka qaadistii lagu sameeyay, kaas oo xiisad ka dhaliyay Hiiraam, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah oo ku dhow Villa Somalia.

Sida ay ogaatay Galdogob Times, madaxweynaha ayaa heshiis la gaaray Cali Jayte iyo Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan si meesha looga saaro xiisadda ka taagan Beledweyne, waxayna wada-hadalladu ku soo dhammaadeen is afgarad, taaso oo xal lagu gaaray.

Wararka ayaa intaasi ku sii daraya in madaxweyne Xasan Sheekh oo muddo Bil ah ku sugan Dhuusanareeb uu haatan qorsheynayo inuu u soo guuro degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, halkaas oo uu kasii hagi doono dagaalka ay dowladdiisa kula jirto Al-Shabaab.

Xogta aan helnay ayaa sidoo kale sheegeysa in madaxweynuhu uu todobaadka soo socda tegi doono degmada Maxaas, si uu sii wado howlaha shaqo ee uu u tegay furimaha hore.

Madaxweynaha ayaa lagu soo warramayaa inuu taliskiisa guud ka dhigan-doono halkaasi, si uu ula socda howlgallada xoreynta ee haatan ka socda HirShabelle iyo Galmudug.

Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka socda guluf dagaal oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, kaas oo ay guullo waa weyn ka soo hoyeen ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka.

Si kastaba, howlgalkan oo galaya wajigiisa labaad ayaa la filayaa inuu gaaro Koonfur Galbeed iyo Jubbaland, waxaana ku biiri doono ciidamo ka socda waddamada dariska ah.