Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 27 July 2024

Galdogob Times Waxay Tacsiyeyneysa Guud Ahaan Ummada Somaaliyeed Iyo Eheladisa Waxaan Alle Uga Baryayaa Inu Naxariistiisa Ugu Deeqo .. Fanaanki Axmed Naaji Waa Geeriyooday

Wednesday - September 6, 2023




London-Allah haw naxariistee waxa dalka Britain ku geeriyooday fanaankii weynaa Axmed Naaji Sacad oo ahaa mid si weyn caan uga ahaa geyiga Soomaalida, isla markaana ka mid ahaa fannaaniinta loogu jeclaa marka laga hadlayo fanka Bulshada Soomaalida.

Axmed Naaji Sacad, ayaa fanka ku soo biiray xilligii dhadhaqaaqa halgankii gobanimadoonka ee horaantii Afartameeyadii, sida uu xaqiijiyay intii uu noolaa, wuxuuna ka mid ahaa dhalinyaradii fanku ku dhiiri-geliyay gumaysi diidka iyo gobanma-doonka.

Markii ay Burburtay Jamhuuriyadii dawladdii dhexe ee Soomaaliya, wuxuu Axmed Naaji Sacad u guuray dhinaca qurbaha halkaas oo uu ku noollaa tan iyo markii uu geeriyooday 4 Sep 2023.

Ma ahayn oo keliya Fannaan Axmed Naaji sacad, balse wuxuu ahaa Muusiishan iyo Laxamayste, sidoo kale ma ahayn oo keliya Fannaan ku caan ah heesaha Banaadiriga, basle wuxuu fankiisu ahaa mid u tallabay dhan walba, isagoo lahaa heeso baddan oo guubaaba ah, kuwaas oo waddaniyad iyo dhaqan-jacayl ahaa.

Dad baddan oo ka mid aha Bulshada Soomaalida, ayaa si weyn u jeclaa heesaha uu qaado, kuwaas macaansan jiray codkiisa iyo Gitaarkiisa taas oo uu ku kasbaday jacaylka ay bulshada Soomaaliyeed u haystay Fannaanka Axmed Naaji Sacad oo ka soo jeeday Bulshada Carabta ee Soomaaliyeed.

Allah Haw Naxariistee Fannaanka weynaa ee Axmed Naaji Sacad oo taariikh weyn ku lahaa fanka Soomaalida iyo halgankii gobanimadoonka .. Galdogob Times waxay iyagoo ka murrugaysan ka tacsiyaynayaan guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, Bahda Fanka Soomalida, Qoyskii Ehelkii iyo asxaabtii marxuumkana waxan Allah uga baryaynaa denbi dhaaf iyo inuu naxariistiisa ugu deeqo Aamiin Aamiin Aamiin.