Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 27 July 2024

Jimca Wanaagsan .. U Sama Falka Waalidka .. Alla Hooyaday Maxay Duusha Igu Heestay Oo Hurdo Ku ilaawday .. Alla Maxay Dhabta Igu Haysay Oo Hanad Igu Yeertay .. Hooyoy Ha Mudan Ciil Iyo Ceeb

Thursday - September 14, 2023




Hooyo Waa Midaan Xaqeeda La Gudi Karin, Waxayna Mudan Tahay Qadarin Iyo Maamuus Aad U Weyn .. Wax Kasta Oo Ay Diidan Tahayna Iyada Daraadeed Ayaa Looga Tagaa Aan Ka Ahayn Diinta!!

Runtii Lama hayo Taariikhda Diin ama nidaam kale oo u tix-geliyay hooyada sida ay diinta Islaamku u tix-gelisay, iyadoo u aqoonsan inay tahay xubinta ugu mudan in loo sama-falo isla markaana leh xaqa ugu badan ee aan qofna gudi karin, maxaa yeelay hooyadu waxay soo martaa dhibaatooyin badan oo ay kala kulanto .. Calool-ku-qaadida .. Sidista .. Hawsha iyo Xanuunka Dhigitaanka ama Foosha iyo Barbaarinta ilmo kasta.

Islaamku waxay aad u adkeysay isla markaana ku dardaaarantay, xaqdhawrida iyo u sama-falida waalidka gaar ahaan hooyada, iyadoo aayado badani ka hadleen xaqa waalidka iyo dhibaatooyinka ay la kulanto hooyadu, sidaa darteed xaqa hooyada ayaa aad looga adkeeyay kan Aabaha, sida ku cad suuratu Luqmaan .. u sama-falka waalidku waxa uu ku derajo xigaa caabudida Ilaahay.

Nin ayaa ku dawaafayay Kacbada isagoo dusha ku sida Hooyadii oo uu dawaaf-siinayo, markaas ayuu Nebiga weydiiyay oo yiri "Rasuulkii ilaahayow, ma guday xaqeedii? Nebigu waxa uu ugu jawaabay Maya, xataa maad gudin mid ka mid aha hinqashooyin-keedii"

Sido kale Nin ayaa isna u yimid Nebiga isagoo ku yiri "Rasuul Allow waxaan rabaa inaan ka qayb qaato duulimaad-yada Islaamka, markaa waxaan u socdaa inaad ila taliso"Nebigu waxa uu ninkii weydiiyay inay nooshahay Hooyadii, ninkii waxa uu ku jawaabay "Haa" dabadeed Nebigu waxa uu ku yiri "U Sama-fal hooyadaa, Jannadu waxay hoos taalaa Lugaheeda. 

Hooyadu waxa ay leedahay xaqa ugu badan ee qof leeyahay, mana banaana in lagu kaco fal aanay raali ka ahayn, xataa hadii uu qofku dan u arkayo falkaa. Tusaale ahaan hadii ay Hooyo kaa dalbato wiilkeeda inuu furo xaaskiisa oo uu jeclaa, waa inuu furaa isagoo tix-gelinaya hooyadii, door-bidayana raali-ahaanteeda .. Xadiis uu werinayay Saxaabigi weynaa Abu Dardaa’ ayaa waxa ka hadlaya nin weydinaya waxa la gudboon, kadib markii hooyadii weydiisatay inuu furo gabadhiisa oo uu aad u jeclaa. Waxa uu kula taliyay inuu iska furo, ma daama ay adeecidda hooyadu ka horeyso wax walba, uuna Nebiga ka maqlay isagoo ka hadlaya xaqa waalidka ..  

Hooyooyinka Soomaaliyeed waxay noqdeen dhamaantood kuwo la hardama in ay ka soo dhalaalaan bad-baadinta nolosha qoysas-kooda .. Dhab ahaantii hooyooyinka Soomaaliyeed waxay galeen dadaal weyn oo aanay gelin inta badan Aabayaashu .. Hooyooyin-keen si ay u badbaadiyaan nolosha iyo baahiyaha taagan ee qoyska, waxay ku jirab-naadeen inay iyagu inoo shaqeeyaan qabtaan shaqooyinka kala ah: Khudaar gedis, Dhartolis, Hilib-gadis, iibinta Qaadka, Shaaha, Dhar Dhaqista, Jaarinimada, Caanaley, iibinta Caanaha iyo qaar kaloo badan .. Hooyada Somaaliyeed Waa Hooyada Aduunka Ugu Qaalisan Ee Allow Dhawr