Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 27 July 2024

Sheeko Murti Leh .. Shar Ha Arkin .. Shar Ha Maqlin .. Shar Ha Ka Hadlin

Monday - September 18, 2023




Sheekooyinkii hore ee murtida lahaa waxa ka mid ah sheeko ku saabsan Saddex u dhashay beesha reer Daanyeer, oo maalin maalmaha ka mida shir ugu baxay buuraha dhaadheer ee degaankooda .. Saddexda Daanyeer oo isu yimi ayaa waayaha aduunka iska waraystay. Markii ay ka yaabeen waayaha aduunku halka uu marayo iyo markay arkeen Caqli siibka aakiro samanka lagu jiro, ayay ku heshiiyeen in uu mid waliba wixii Alle baray iyo fikirkiisa bal sida ay la tahay wax u muujiyo.

Kii u horeeyay ayaa labadiisii gacmood indha saaray. Labadii kale ayaa ku yiri  " Sidaad wax u tilmaantay waanu garanay oo waxad leedahay Shar ha arkin!"

Kii Labaad ayaa labadiisii gacmood Dhegaha saaray. Labad kale ayaa ku yiri "War waanu garanay oo waxaad ula jeeda Shar ha maqlin!” 

Kii Saddexaad ayaa markiisa isna labadiisii gacmood afka saaray. Labadii kale waxa  ay ku yiraahdeen " Sidaad wax u tilmaantay waanu garanay oo waxad noo sheegeysa Shar yaan laga hadlin!

"Shuuuuu! ..“Shuuuuushleh u sheeg! .. Shuuuuushleh war ma galo