Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 4 May 2024

Muuse Biixi Heshiisku La Galay Itoobiya Wax La Eegto Ka Weyn .. Biixi Oo Loo Soo Jeediyey Inu Xarig Ku Dhaabo Wasiirka Difaaciisa Ee Is Casilay

Tuesday - January 9, 2024




Hargaysa - Xildhibaano raccsan garabkka Muuse Biiixi oo ku taagersan Talaabada heshiska u la galay Abyi Axmed ayey Muuse Biixi ugu baaqeen in Wasiirkii Gaashandhiga Somaliland oo iscasilay xabsigga loo taxaabo, waxayna yiraahdeeen: "Inankan yari maxuu sheegayaa , cid baa la soo hadashey oo waanu ognahay , waa in maanta xabsiga la dhigaa" .. Sidoo kale Waxay ku tilmaameen wasiirka iscasilay in uu yahay khaayinul wadan.

Wasiirka oo ka soo jeeda Beesha Ciise ayaa horay u sheegay sababta uu isku casilay kadib markii ay Muuse Biixi isku fahmi waayeen heshiiska is-afgarad ee ay wada gaareen Somaliland iyo Itoobiya.

xukuumada Muuse ayaa halkii ay bulshada usoo bandhigi lahayd qodobada heshiiska Is-afgarad umuuqata inay cadaadis iyo xarig iskugu darayso cidii ka hortimaada heshiiskaas.

Waxaana ilaa hada loo xiray heshiiskaasi saxafiyiin iyo qaar kamid ah culumada iyagu ka hor-yimid heshiiska.