Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 27 April 2024

Dhaq-dhaqaaq Kasta Waa Barako .. Masuuliinta Somaliland Ku Matala Dawlada Fedaraalka Oo Soo Saaray Bayaan Wadajir Ah

Sunday - January 14, 2024




Mogdisho - Wasiirada iyo Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federalka Soomaaliya, kana soo jeeda Somaliland ayaa ka hor yimid oo sharci darro ku tilmaamay Heshiiskii Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi la galay Ra’iisal wasaaraha Itoobiya.

Xubnahan oo maanta ku shiray magaalada Muqdisho ayaa shaaciyay inay u taagan yihiin ilaalinta Midnimada iyo Madax banaanida Dalka, kana horjeedaan is afgaradkii Addis ababa.

Xubnaha shirka jaraa’id qabtay waxaa ka mida ahaa Ra’iisul wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Saalax Cabdi Jaamac, Wasiirada Maaliyadda, Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Howlaha guud, wasiiro kale iyo Xildhibaanno ka tirsan labada Gole ee Barlamaanka Soomaaliya.

War-saxaafadeed ay soo saareen ayey waxba kama jiraan ku tilmaameen heshiis Addis ababa ku dhex maray Ethiopia iyo Maamulka Somaliland, iyagoo iska diiday damaca gurracan ee Itoobiya ay ku rabto inay ku qaadato qeybo kamid ah dhulka Soomaaliyeed.

Wasiirka wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshadda Maxamed Cilmi Ibraahim oo akhriyay bayaanka ka soo baxay kulan ayaa sheegay inaysan jirin cid awood u leh inay bixiso taako kamid ah dhulka iyo badda Soomaaliyeed.

Bayaanka ka soo baxay kulanka ayaa lagu taageeray wada hadallada Soomaaliya iyo Somaliland oo lagu heshiiyay in dib loo ambaqaado, waxaan walaac laga muujiyay tallaabooyinka qar iska tuurka ee ra’iisul wasaare Abiy Axmed.