Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 27 April 2024

Taariikhdu Waa Marag .. Xasan Shiikhow Cidaad Doonto Ciirse Dagaal Ku Dhawaaq .. Mogdiisho-Jabuutii Cirkaa Meel Ka Onkoday .. Gorgorka Xaytay Ismaciil Geellle Oo Ciidan Gurmad Ah U So Diray Somaliya

Tuesday - January 16, 2024





Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa ciidan cusub usoo dirtay Soomaaliya si ay u xoojiyaan ciidamada horay Dalka uga joogay iyo kuwa Dowladda Federaalka si ay uga wada qaybgalaan xoojinta Amniga, la dagaalanka ‘AS’ iiyo Kordhinta wadashaqaynta ka dhaxaysa.

Taliyaha guud ee Ciidamada Qalabka sida Jamhuuriyadda Jabuuti Gen. Sakariye Sheekh Ibraahim oo la hadlay Ciidankaan kahor inta aysan soo ambabixin ayaa kula dardaarmay in dhaqankooda wanaagsan aanay marnaba doorin.

Xaqiijinta Amniga Soomaaliya ayuu u dhinac dhigay in ay lamid tahay xoojinta Ammaanka Jamhuuriyadda Jabuuti maadaama labada Jamhuuriyad ee Walaalaha ah midba midka kale uu kala damqanayo dhibaatooyinka soo gaara.

Gen. Sakariye ayaa sheegay in abaalka ay Jamhuuriyadda Jabuuti u hayso Soomaaliya uu yahay mid aan soo koobmayn balse maanta oo ay garab ugu baahan tahay aanay meel cidlo ah uga tagi doonin waa sida uu hadalka u dhigay.

“Ciidanka halkaan jooga oo ah dufcadii 11aad ee gurmad u taga Soomaaliya sharaf wayn ayay inoo tahay in aan u gurmano walaalaheen dhibaatadu qabatay, Soomaaliya wax badan ayay inoo qabatay kolkii aan u dagaalamay xornimada waxaana ugu abaalgudnay in aan dhiiggeena u shubno, waxa aan la hadlayaa ciidamada & saraakiisha oo aan leeyahay sharaf muujiya oo guul & sharaf la taga” Gen. Sakariye Sheekh Ibraahim Taliyaha Ciidamada Jamhuuriyadda Jabuuti.

Ciidamada Jabuuti ee Hiil-Walaal waxa ay qayb ka yihiin howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS iyaga oo ka howlgalla Gobolka Hiiraan, waxaana muddooyinkii dambe ay qayb ka ahaayeen howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ ee ka socda deegaanno katirsan Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle.