Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 27 April 2024

Abiy Axmed Oo Raba Inu Khasab Wax Ku Mehersado .. Xogta Diyaarad Itobiyan Airlinees Ka Degtay Hargeysa Iyo Mid Kale Oo Hawada Laga Celiyey

Wednesday - January 17, 2024





ILo ku dhow dhow Hey’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa sheegay in diyaarada saaka la celiyey ay aheyd mid khaas ah oo loo yaqaan ( VIP AIRLINE) waxaana la socday wafdi sare oo dowladda Itoobiya ah, taasoo numberkeedu ahaa ETH8273, balse Diyaarad kale oo goordhow ka degtay Hargeysa ay aheyd mid rakaab shacabka ah ee maalin-laha u degi jirtay oo numberkeedu yahay ETH372.

Tan ayaa cadeyneysa inay labada diyaarad kala duwan yihiin, oo aysan shaqo isku laheyn, waxaase hadda socda shir ay leeyihiin madaxda dowlada oo go’aan rasmi ah looga qaadan-doono dhammaan diyaarada Ethiopia Airlines ee isticmaala hawada Soomaaliya.