Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 27 April 2024

Ma Dhalashey Naceen Markay Dhargeen .. Cabsiyeey Fur Lagu Geli .. Haatan Dan Iyo Hadal Axmad Madoobe Iyo Laftagareen Miyey Somaliya Shirqoolayaan

Friday - January 19, 2024




 Warar aan xogtooda si dhaba loo haynin aya sheegaya in Axmad Madoobe iyo Laftagareen ay kulamo xasaasiya ka dhan Xasan Sheekh ka wadaan Nairobi , balse hadey warkaa wax ka jiraan la oran-karo waxay labadaas masuul taageerayaan damaca itobiya ee ay ku qabsana-yaan badaha Somaliiya  

Sida la sheegaayo Saacadihii lasoo dhaafay waxey kula kulmeen diblomaasiyiin ka soo jeeda dalal intooda badan Itoobiya ku taageersan damaca ay ku raadineyso badda Soomaaliya, hasa-ahaate
dowladda federaalka aysan weli go’aan ka soo saarin xaqiiijinta xiriirka la sheegay in dowlad goboleedyada qaar ay si hoose ula sameysanayaan Itoobiya .. hadana waxaa isa-soo taraya carada dadweynaha Soomaaliyeed ee ka gilgishay damaca Itoobiya ay ku raadineyso badda Soomaaliya.

Ugu horeyn Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa Nairobi kula kulmay safiirada dowladda Norway iyo Sweden ee Soomaaliya, waxaana qoraalo lagu baahiyey bogga Facebook ee Madaxtooyada Jubbaland lagu sheegay in kulamadaas looga hadlay arrimo ku saabsan gargaarka iyo hormarinta.

Dhankiisa, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) oo isla Nairobi ka wada kulamo noocaan ah ayaa sameeyey kulamo ka badan kuwa uu sameeyey Axmed Madoobe.

Safiirrada Sweden, France iyo Madaxa Arimaha hormarinta Safaarada Ingiriiska, waxayna K/Galbeed sheegtay in dhammaan kulamadaas looga hadlay artimo khuseeya hormarinta, balse xogo hoose ayaa sheegaya in lagu soo hadal qaaday xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya.

Run iyo Been key tahaba Xogaha la helayo waxay sheegayaan in Laftagareen iyo Axmed Madoobe ay Nairobi ku tageen qorshe ay wadato Itoobiya, isla markaana ay halkaas kula kulmeen xubno ka socda dowladda Itoobiya, si ay kaga qeyb qaataan dhaqan gelinta heshiis beenaadkii uu Muuse Biixi badda ugu soo saxiixay Itoobiya.

Warkaan oo hubaal u baahan Madaxweynayaasha K/Galbeed iyo Jubbaland ayaa la sheegay inay wataan damac xasaasi ah, kaas oo ah inay Itoobiya garab uga rabaan sidii ay u sii joogi lahaayeen xukunka, halka Itoobiyana ay dooneyso inay damaceeda ku fushato iyadoo isticmaaleysa awoodooda.