Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 27 April 2024

Xaq Loo Kacay Aaway Ku Aaway Adin Yaa Bilaal .. Ajar Iyo Jihaad Billaawuhu Waa Inu Dhiig Mataga .. Fedaralka Oo Wada Qorsho Hawlgal Lagu Soo Qabanaayo Qurmiye Korneyl Bixi Iyo Xertiisa

Saturday - January 20, 2024



Sarkaal Ka Mida Hawlgalkka, Oo ii Sir Waramay .. Dawladda Feddarraalka Oo Uu Madaxa ka yahay Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa sida la xaqiijjiyey shir qarsoodi ah la qaatay sarakiil horay uga tirsanaa xoogi dalka somaliiya .. waxaa la sheegay in shirkaas madaxweyne Xasan Shiikh uu ka jeeediyey warbixin guud oo la xariirta damacca waalan ee itoobiya, isla markaana halkaas ku xusay sida Muuse Bixii sheegasho habow ah u magac xumida kula kacay Qaranimadi iyo midnimadi somaliya .. wuxuu kalo taabtay oo yiri Muuse Bixii waa inu sidi Jinka Fara-yara  Bidix ku baxo, waxaa la diyaariyey buu yiiri sharcigi Muuse qaban-lahaa

Madaxweynaha isagoo hadaladiisi warbixiinta si wata wuxuu carabka ku dhuftay in in-badan la isku dhuuntay oo qiiq la isku qariyey, sidaa daraadeed la joogo xiligi duullaan lagu qaadi-lahaa Muuse Bixii oo si dhaba loo tafaxeyto soo qabashadiisa .. saraakiishi la shireysay madaxweynaha oo inta badan ahayeen kuwa ku carbisan khidadaha iyo hawlgalada milatari ayaa halkaas dood cilmyeysan ka furay iyado ujeedadu ahayed in Muuse Bixi iyo kooxdiisa hawllgal dagaal lagu soo qabto

Saraakiishaas oo maalinnti labaad maskaxdooda rog-rogeen una fadhiiya dajinnta qorshihi hawlgalkaas lagu fulin-lahaa, waxay intooda badan soo jeediyeen in ila Laba Guuto oo hordhaca la geeyo aaga hore ee laascaanood, isla markaana iyado la kaashanaayo dawlada Jabuuti Laba Guuto ciidan lagu daabulo xagaa iyo Degaanada Beeelaha Samaroon iyo Ciise .. waxaana warku inta ku daraya in madaxweyne Ismaciil Cumar Geelle uu hawlgalkaas dhinac kaga jiro, walow la xusay in dawlad Carbeed ay iyaguna hawlgalkaas kharajkiisa ay bixinayaan .. waxaa la xusay in saraakiil badan dibada looga yeeray oo qaarkood illa shalay ayba durbaba soo ggaareen magaallada Mogdisho loona galbiyey hooy ku dhex yaalla Villada Madaxtooyada.