Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 27 April 2024

Saw-kan Kaarka Laysu Rogay .. Bisadi Iyo Jiirkii Reer Magaalka Ahaa Iyo Wixii Ku Dhacay

Monday - January 22, 2024





Waqtiyadi Abaartii Daba-dheer ee dalka ka dhacday ayaa waxa magaalooyinkii soo galay Duurjoogtii yar-yarayd ee ku noolayd Miyiga, iyaga oo daba socda Reer miyigii cayroobay ee magaalooyinka soo galay .. Hadaba waxa magaaladii yimi jiirkii miyiga (dooligii miyiga ) isaga oo abaartii xumayd u adkaysan waayay , wuxuu is-yiri xaggaa iyo magaalada u qaraab-tag .

kadib isaga oo meel Kudaafad  ah wax ka faar-faaranaaya , ayaa waxa xaggiisii u soo kacday Bisad reer magaal ah  oo ka mid ah kuwii magaalada ku noolaa .. Bisadi intay giir iska kicisay oo ay khaakhna tiri , ayay jiirkii reer miyiga ahaa istiri u hanjab , iyada moodaysa inuu yahay Jiirkii magaalada .. Jiirki kama baqin Bisadi, balse Intu giir iska kiciyey buu xaga Bisadi u dhaqaaqay , oo is-buufisay, ayaa Bisaddii baqatay , kadibna Bisadii way carartay , iyada oo yaaban oo leh , waar baladu maxay ahayd ?
war wuxu muyaanu Jiir ahayn ? sowkii marka uu i arko cagaha wax ka deyi jiray , maxaa dhacay maanta ? muxuu kan aniga i cuni gaaray ahaa ? .

Jiirarki magaalooyinka soo galay wixii Bisado ahaa way ka carareen, waddona way ku rideen .. Jiirkii Bisaasku Eryen-jireen ee cuni-jereena hiil buu helay, waana kibreen .. laakiin magaalooyinkii waxa iyana soo galay Bisaddii reer miyiga ahayd, waxaanay gamta u joogsatay Bisadihi iyo Jiirkii reer magaalka ahaa-ba , weliba waxa gumaad ku dhacay Jiirkii magaalada joogay ee Jiirku ka xoreysay Bisaaskii argagixisada ku hayay.

Jiirkii Reer magaalka ahaa waxa uu kala garan-waayay Jiirki dibadeedii iyo Bisaaskii magaalada , sidaa awgeed waxa ku dhacay in Bisad dibadeedii gumaaday gebigiisii-ba .

Hadaba kooxaha ismooday in ay -yihiin Jiirarka ee Bisaaskii reer magaalka ahaa ka bajiyay , ha ogaadeen in Bisad dibadeedkii ka daba-timi oo aanay jirin cid ka celin-doonta ,oo aanay jirin meel ay kaga badbaadi karayaan .

 Bisaaskii Reer magaalka ahaana , guryihii dadka ayay ku yaaceen oo galeen , waxaanay ag-fariisteen Dumarkii , ilaa iyo maantana Bisaaska magaalooyinka jooga dumarka kama ag-fogaadaan .. Hadaba layska daba yimiye , maxaa la yeeli doonaa ?