Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 27 April 2024

Sheeko Xikmad Leh .. Muraayada Uskag Leh Wax Ha Ku Eegin

Tuesday - January 23, 2024




Warsame iyo Weris waxay ahaayeen aroos cusub waxaanay soo degeen gurigoodii cusbaa, waxayna jaar la noqdeen qoys yar  .. Hadaba maalin maalmaha ka mid ah ayaa Warsame iyo Weris oo quraacanaaya ayaa Weris waxay DDaaqadda ka aragtay gabadhii jaarkooda ahayd oo maryo waranaysa markaasay inta ay Weris sare u qaylisay tiri: Alla Bal Eeg Warsamaw naagtan maryaha uskaga leh waraysa, oo miyaanay garanayn sida Maryaha loo nadiifiyo , waxay ahayd in ay saabuun fiican oo uskaga maryaha ka jarta ku mayrto .

Saygeedii Warsame intuu eegay oo la yaabay buu iska aamusay .. Markasta oo ay gabadha jaarkooda ahi maryo waranayso , hadaladii bay ku soo celcelisaa .

Bil kadib ayaa waxay aragtay gabadhii oo Maryaheedii waranaysa oo ay aad u nadiif yihiin una dhalaalayaan , markaasaa ay saygeedii Warsame ku tiri :

Bal eeg warsamaw gabadhii jaarkeenna ahayd, way baratay sida maryaha loo mayro ee loo nadiifiyo , tolow yaa baray ee wax u sheegay ?

Warsame wuxuu xaaskiisii ugu jawaabay : Saaka goor hore ayaan kacay oo Daaqadda iyo Muraayada-heenaba waan nadiifiyay  .. Hadaba gabadhu maryaha ay wari jirtay nadiif bay ahayeene ee muraayadda daaqadda guriga Warsame iyo Weris ayaa uskag lahayd .

 Hadaba ujeedada sheekadani waxay tahay , inta aanad dadka kale dhaliilin ee aanad wax ka sheegin , bal wax hubso ama intaanad dadka kale xukumin bal horta runta ogow , ama wax u fiirso intaanad iska hadlin .. Waxaana jira waxyaabo badan oo aan ahayn sida aad u aragto , ama aad u malaynayso ama aad u maqashay ee had iyo jeer dhaliisha aanad hubin ha ku degdegin  .. Xikmadu Waa Muraayad Uskag lehna wax ha ku Eegin .