Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 27 April 2024

Kuwa Hindiisaaya Been Ay Hurgufaan .. Hubsiimadu Waa Sad Hub Layskku Difaaco .. Madaxweyne Xasan Shiikh Oo Dastuurka Dhmeystirkisa Ka Goan-tahay

Friday - January 26, 2024




Garoowe - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyey munaasabad lagu daah furayay Madaxtooyada Dowladda Puntland ayaa ka hadlay muhiimadda ay leedahay dhameystirka dastuurka, wuxuuna ku nuux nuuxsaday doorka muhiimka ah ee ay u leedahay dowladdiisa. Waxa uu sidoo kale sheegay in aysan ogolaan doonin wax caqabad ku ah hirgalintiisa.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay dastuurka, ayaa yiri "Soomaali waxa aan rabaa in aan u sheego Dastuurka wakhti uma dhinna. Dastuurkaan hanti Soomaaliyeed ayaa lagu dhameystiri doonaa dibad loo qaadi maayo.”

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in dalka la difaaci-doono, isla markaana Dastuurka la dhameystiri doono, in ka badan 10-sano kaddib, iyadoo dowladihii hore ay ku fashilmeen dhameystirkiisa.

Hadalka Madaxweynaha ayaa ku soo aadaya xilli shalay labada aqal ee Baarlamaanka ay ansixiyeen wax ka bedelka Dastuurka dalka, kaasi oo ay ka soo horjeesteen dad badan.