Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 27 April 2024

Qisadaan Dhacday Iga Gudoon .. Qisadi Dhex Martay Tuug Iyo Caalimki Weynaa Ee Maalik Binu Dinaar

Sunday - January 28, 2024




Maalin Maalmaha ka mida Tuug ayaa habeen u soo dhacay guriga Maalik binu Dinaar, nasiib xumo kama helin waxa uu qaato, laakiin Maalik oo markaas soo jeeday ayaa u dhawaaqay oo ku yiri:"kama aad helin Shay Adduunyada wax kuu tara ee ma u baahan tahay wax aakhiradaada anfaca?" Tuuggii ayaa yiri: Haa. Maalik ayaa ku yiri: "Soo Weysayso oo Tuko Laba Rakcadood."

Tuuggii sidii ayuu sameeyay, waxyar ayuu sii fadhiyay, kadibna masjidka ayey isu raaceen  .. Maalik oo la waydiiyay ninkani waa kuma ayaa lagu yiri: "Ninkaan si uu noo xado ayuu u yimid, balse annagaa xadnay."

Ujeedka qisadaan: Jidka Rabbigaa ugu baaq dadka hab iyo hannaan ay ku dheehan yihiin xikmad iyo waano wanaagsan ..  Si kasta oo aad u saxan tahay, qofka kalana u khaldan yahay, si walba oo aad u hanuunsan tahay, qofka kalana u lunsan yahay, dhaqanka suubban baa wax kasta ka horeeya.