Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 27 April 2024

Game Over .. Maafiyada Indha-xayiiga Abiy Axmed Oo Markaan Gir-Gire Kulul Saaran .. Xasan Shiikh Oo Siyaasadiisi Shirka Roma Siiga Kicisay

Tuesday - January 30, 2024




Rome – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr Xasan Sheikh Maxamuud oo ka qeyb-galay shirka Afrika iyo Talyaaniga ayaa magaalada Rome ee caasimada dalkasi ka wada kulamo kala duwan.

Madaxweyne Xasan ayaa maanta kulan gaar ah magaalada Rome ee dalka Talyaaniga kula yeeshay Madaxa Hey’adda IMF Kristalina Georgieva.

Mrs Georgieva ayaa bogaadisay dadaalada ay wado dowladda, gaar ahaan kuwa horumarinta dhaqaalaha ee dowladda Soomaaliya ay ku tallaabsatay, Waxayna si gaar ah u xustay isbadallada dowladdu ay qaadday, kuwaasi oo dhaqaalaha dalka sare loogu qaadayo laguna dhimayo saboolnimada islamarkaana lagu xoojinayo heyadaha dowlada

Xasan oo shalay khudbad ka jeediyey Madasha Talyaaniga iyo Afrika ayaa nuux-nuuxsaday mustaqbalka wanaagsan ee Soomaaliya, isaga oo si gaar ah u xusay fursadaha maalgashi iyo khayraadka dihan ee ceegaaga dalkeenna oo wax tar u leh gobolka iyo guud ahaan caalamka.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in iskaashiga caalamka uu ku tiirsan yahay ixtiraamka sharciyadda iyo mabaadi’da madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee dalalka.

Sidoo kala waxa uu sheegay in caqabadaha hortaagnaa dowladnimada Soomaaliya iyo dhabar adaygga ay ku wajahayaan dadka Soomaaliyeed, isaga oo sheegay in xoreynta deegaannada ku jira gacanta argagixisada ay barbar socdaan qorsheyaal lagu adkeynayo dowladnimada