Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 27 April 2024

Sheeko Xikmad Leh .. Sheekadi Dhex Martay Dameer Iyo Suldaanki Arlada

Wednesday - January 31, 2024





Maalin Maalmaha, Sac ayaa cararay oo qasrigii Suldaanka hor istaagay, oo askartii ilaalinaysay ka codsaday in uu la kulmo Suldaanka .. Askartii way riixeen Sacii oo erya ayay is-yiraahdeen, laakiin way u taag-waayeen , markii danbe ayay Suldaankii u tageen oo ku yiraahdeen: Suldaan Sac ayaa albaabka taagan oo doonaaya in uu kula kulmo.

Suldaankii inta uu yaabay ayuu yiri : Bal soo daaya , waxa uu doonaayo aynu weydiinee?.. Sacii baa u soo galay Suldaankii oo ku yiri: Suldaan waxan doonayaa BILLAD DAHAB sharafeed oo lay siiyo.Oo muwaadin xaq u leh baan ahay dalkan iyo dadkiisa 

Suldaankii waxa uu weydiiyay: oo maxaad dadka iyo dalka u qabatay ee lagugu siiyaa , ee aad ku mutaysatay ee Billad Dahab lagugu siiyaa? .. Sacii ayaa ugu jawaabay : Caanahayga ayaad cabtaan oo hilibkayga ayaad cuntaan oo haragayga ayaad kabo iyo dhar ka samaysataan oo xaarkayga ayaad ka maarmi waydeen oo aad shidataan.

Suldaankii inta uu ku qancay hadalkii Saca ayuu yiri: xaq baad u yeelatay in Billad Dahab oo Billad sharafeed darajada 2-ad ah lagu siiyo .. Sacii oo faraxsan ayaa la kulmay BAQASHII: Waar Sacyahaw waa maxay waxan oo farxad ahi maanta iyo Biladahan kaa laadlaadaa?

Sacii ayaa uga waramay Billadahan Suldaankii ayaa i soo siiyay .. BAQASHII ayaa Qasrigii Suldaanka isku sii daysay .. Askartii bay ku tiri: inaan Suldaanka la kulmo ayaan u baahanahay , waxay is yiraahdeen erya, Laakiin way u taag-waayeen. Markii danbe ayay Suldaankii u sheegeen in Baqali albaabka taagan tahay oo doonayso in ay la kulanto .. Soo daaya ayuu yiri: waxa ay doonayso aanu eegnee.

Baqashii waxay tiri: Anigu mawaadin baan ahay , waxaan doonayaa in BILLAD DAHAB sharafeed in la i siiyo , xaq baab u leeyahaye  .. Suldaankii baa yiri: oo maxaad dalka u qabataa,ee lagugu siiyaa Billad Dahab sharafeed?

Baqashii baa tiri: Hubka ciidanka oo dhan anigaa xammaala,oo saadka ciidanka anigaa xammaala, oo askarta anigaa xammaala aan fardaha wadanin, oo caruurta iyo Dumarka anigaa xammaala .

Suldaankii inta uu u qiray wax-yaabahaas oo dhan, ayuu yiri: ha la siiyo BILLAD DAHAB sharafeedka darajada koobaad ee dalka .. Baqadhii oo faraxsan ayaa la kulantay DAMEERKII . Ina-adeer iska waran ? Maxaad la faraxsan tahay Baqalay?

Baqashii waxay tiri: Billad dahab sharafeed ayaa suldaankii i soo siiyay .. DAMEERKII ayaa Qasrigii suldaanka isku sii daayay,oo askartii jiiray, isaga oo careysan oo ay joojin kari waayeen oo ku ciyay , (waa Dameerkii iyo canaadkiisii) markii danbe ayay suldaankii u tageen ,oo ku yiraahdeen DAMEER ayaa doonaaya in uu kula kulmo Suldaan .. Suldaanki ayaa yiri bal Soo daaya ayuu yiri,aanu eegno kanna waxa uu doonaayo.

Dameerkii waxa uu yiri : anigu waxaan ka mid ahay muwaadiniinta raciyada ah ee aad u taliso,miyaad noqon lahayd Suldaan hadii aanay Dameero ahayn wasiiradan kugu xeerani ? oo aanay dadkaagu Dameero ahayn ? Miyaad u qalantaa in aad adigu madax (suldaan) u noqoto ?ILayn waynu is-garanaynaayee ?

Suldaankii inta uu hoos ula hadley Dameerkii ayuu ku yiri: aamus oo ha dareensiin dadka waxan , oo ha u sheegin .. Adiga waxa lagu siinayaa BILLAD DAHABKII sharafeed ee dalka ugu sareeyay.

 Xikmada ku jirta qisadaan:  adiguba garo waxa loola jeedo