Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 27 April 2024

Somali Iyo Musuq-Maasuq Waa Mataano .. Somaliya Oo Kaalin Cajiiba Ka Gashay Wadamada Ugu Musuq Badan Caalamka

Friday - Feb 2, 2024



Hay’adda caalamiga ah ee daahfurnaanta adduunka  ayaa waxay soo saartay warbixinteeda sanadlaha ee ay ku qiimayso heerka musuqmaasuqa adduunka (CPI) .. Hay’addu waxay baartay 180 waddan oo mid walba lagu qiimeeyay 100-dhibcood. Qorayaasha warbixintan waxay tilmaameen in dhibaatada musuq-maasuqu aanay wax badan iska beddelin adduunka oo dhan.

Hay’addu waxay sheegtay in Soomaaliya ay kaalinta 1-aad kaga jirto liiska waddmada ugu musuq-maasuqa badan dalalka adduunka, iyadoo heshay 11-dhibcood oo kaliya.

"Soomaaliya aad ayay ugu hoosaysaa inta badan tilmaamayaasha bini’aadan-tinimada, iyadoo ay haysato maamul xumo, colaado gudaha ah, horumar la’aan, dhaqaale xumo, faqri, sinnaan la’aan bulsho iyo jinsi, iyo xaalufka deegaan" Ayaa lagu sheegay warbixinta kasoo baxday hay’adda daahfurnaanta adduunka.

Hayaddu waxay sheegtay in dalka Denmark uu yahay dalka ugu musuq-maasuqa yar. Denmark ayaa sanadkii lixaad oo xiriir ah ku soo baxday kaalinta koowaad, iyadoo heshay 90-dhibcood.

Dalka Hungary ayaa sanadkii labaad oo toos ah lagu qiimeeyay dalka ugu musuq-maasuqa badan Midowga Yurub, sida lagu sheegay warbixinta sanadlaha ah ee CPI.

Hungary waxay heshay 43 dhibcood, si la mid ah sannadkii hore, waxaana ku soo xiga Bulgaria iyo Romania oo helay 45 iyo 46, siday u kala horreeyaan.