Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 27 April 2024

Awdal Beerka Ayaad Wax Badan Ka Ooyday .. Reer Awdal Oo Mogdisho Ku Qabtay Kulan Weyn Oo Ka Dhan Ah Damaca Itoobiya

Sunday - Feb 4, 2024




Muqdisho  – Waxaa magaalada Muqdisho maanta lagu qabtay kulan ballaaran oo looga soo horjeedo damaca gurracan ee Itoobiya ee ku dooneyso qeybo kamid ah biyaha Soomaaliya.

Kulankaan oo ay soo qaban-qaabiyeen siyaasiyiinta iyo bulshada gobolka Awdal ayaa waxa ay ka dhiidhiyeen damaca Itoobiya iyo xad-gudubka ay ku sameysay qaranimada iyo madax-bannaanida ummadda Soomaaliyeed.

Waxaa ka qeyb-gal kulanka xildhibaano ka tirsan  labada gole ee BJF, wasiirro iyo bulshada kasoo jeeda gobolka Awdal, kuwaasi oo sheegay in dowladda federaalka ay ku garab taagan yihiin go’aanka ay ka qaadatay damaca liita ee xukuumadda Abiy Axmed.


Suldaan Diiriye oo wax-garadkii goobta ka hadlay kamid ahaa ayaa sheegay in Soomaalida meel walba oo ay joogta looga baahan yahay in ay u istaagaan difaaca dalka.

“In aan dirirno mooyee dawo kale ma heynee dabka qaata oo kaca xeebahana difaaca,” ayuu Suldaan Diiriye oo bulshada Soomaaliyeed ku booriyay in si wada-jir ah looga hortago damaca guracan ee Itoobiya.

Senator Bilaal Ismaaciil Cabdullaahi oo kamid ah sanatarada kasoo jeeda gobolka Awdal ayaa isna waxa uu yiri “Reer Awdal maanta waxa ay muujinayaan sida ay uga soo horjeedaan damaca Ethiopia”.

Wasiir ku-xigeenka Caafimaadka Dr Maxamed Xasan oo ku hadlayay afka guddiga qabaan-qaabada kulan difaaca Badda Soomaaiya ayaa sheegay sida shacabka Reer Awdal aysan marnaba raali uga ahayn in la qaato badda Soomaaliyeed.


“Haddii aan nahay shacabka reer Awdal marnaba raalli kama noqoneyno in baddeenna iyo dhulkeennu gacmaha ka baxaan” ayuu yir Wasiir Ku-xigeenka Caafimaadka Soomaaliya.

Wasiir Xagaa oo ugu dambeyntiina isna halkaasi hadlay ayaa waxa uu yiri “Waxaan cod dheer ku leenahay ma ogolin qaadashada baddeenna, waxaana u hureynaa nafteenna iyo maalkeenna difaaca dhulkayaga”

Si kastaba, Reer Awdal ayaa horey si weyn uga horyimid damaca Itoobiya ee qeybo kamid ah baddeena, tan iyo markii uu soo baxay heshiiska is-afgarad ee Addis Ababa ku gaareen madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi iyo ra’iisul wasaare Abiy Axmed, kaasi oo ay markii dambe burisay dowladda federaalka Soomaaliya.