Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 27 July 2024

ILaahay Ha Inoo Rumeeyo Riyada Wanaagsan .. Idinka Rabi Falastin Way Xoroobi-doonta .. Waxa U So noqon-doona Noloshi La Baab'iyey .. Waxay Si Degan Ugu Tukan-doonan Masjid Al-Aqsa .. Farxad Iyo Damash

Sunday - May 12, 2024



Waxa dhici-doontaa maalin dhow in safar cibaado yar iyo weyn loo yimaaddo Masjidul Aqsa. Iyagoo uga imanaya daafaha adduunka. Waxa loo soo goosan doonaa dal ku gal. Waxa buuxsami doona Masjidul Aqsa. Waxa dib loo dhigi doonaa duulimaadyo badan, badnida dadka ku soo cibaadaysanaya masjidka awgii. Waxa loo dhisi doonaa dadkaas badan ee yimi Masjidul Aqsa huteelo. Waxa loo samayn doonaa basas iyo tagaasi badan oo ka soo qaada gegida diyaaradaha oo keena Masjidka

Idanka Rabbi. Waxa kale oo loo samayn doonaa goobo taariikhda Islaamka laga daawado lagana qaato aqoon iyo ilbaxnimo heer sarraysa. Waxa loo samayn doonaa goobo nasasho oo kuu nuurinaysa naawilaadda nolol sarraysa

Idinka Rabbi. Falastiin waxay noqon doontaa dal nabdoon, oo nolol degenna lagu noolyahay. Falastiin waxay noqon doontaa hormoodka dalka ugu barwaaqaysan kuna suntan amni iyo xasiloonni badan kana xaaran wax kasta oo xumanaya 

idanka Rabbi. Dadka reer Falastiin nolosha ummadaha kale ku noolyihiin mid ka sii qurux badan ayey ku noolaan doonaan .. idanka Rabbi Nabad, jacayl, deggenaansho, bashbash, barwaaqo iyo baraare ayaa u noqon doonta udub dhexaadka noloshooda 

Idanka Rabbi oo ah ta loo diidan-yahay maanta iyo 70 sano oo ina soo dhaafay. Falastiin waxay ka xoroobi doontaa gumaysiga reer galbeed iyo hiil la’aanta ay ka waayeen walaalahooda muslinka ah ee dunida tan dhaafiyey .. Carruurta reer Falastiin waxay ka xoroobi doonaan in la duqeeyo la argagax galiyo iyo in bacadka la waro maydad-kooda. Carruurta reer Falastiin waxay ka xoroobi doonaan hoy la’aan, hagardaamo iyo hiifka Yuhuudda.

Idinka Rabi, Carruurta reer Falastiin waxay ka xoroobi doonaan, dugsi la’aan, daryeel la’aan, diyaaradaha iyo dabbaabadaha duqaynaya maalin kasta ee dul dakaynaya. Carruurta reer Falastiin waxay ka xoroobi doonaan xayndaabka la saaray iyo xilkas la’aanta lagu hayo. Waxay u xoroobi doonaan farxad iyo damaashaad. Waxay ka xoroobi doonaan tirtirka lagu hayo iyo turid la’aanta waxay hanan doonaan nolol sareedo leh oo sharfan idanka Rabbi.

Dadka reer Falastiin waxay ka xoroobi doonaan cibaadada loo diiday, nolosha loo diidey, farxadda loo diidey, iyo guud ahaan nolosha loo diidey ee dhinac kasta leh. Dadka reer Falastiin dhammaan si deggen waxay ugu tukan doonaan Masjidul Aqsa iyadoo aanay jirin caburinta iyo ciilka ay Yuhuud u qabto dadka reer Falastiin 

idinka Rabbi,  Dadkii reer Falastiin ee qaxay xeryaha qaxootiyadana ku jiraa waxay ku soo noqon-doonaan dalkooda oo nabad ah .. Dhallinyarada reer Falastiin waxay si xoriyada u dhigan doonaan waxbarasha-dooda una tegi donaan dugsiyadooda iyo Jaamacadahooda, waayeelka reer Falastiin waxay si deggen ugu cibaadaysan doonaan masaajidadooda. Haweenka reer Falastiin waxay ku noolaan doonaan nolol hir iyo hiraal qurux badan oo naruurana u dheertahay. Waxay heli doonaan hiil badan oo ka maqnaa inbadan

Falastiin waxay yeelan doontaa Jaamacadaha ugu waaweyn Adduunka, waxana is diiwaan gelin doonaa kumaanaan kun oo arday oo ka kala socda dhammaan dalalka kale Adduunka. Falastiin waxa u soo noqon doonaa dugsiyadoodii quraanka meel-kastana waa looga iman doona.

idanka Rabbi.,Falastiin waxa u soo noqon doona oo la dhisi-doonaa masaajidadoodii Yuhuud iyo Maraykan dumiyeen .. Falastiin waxa u soo noqon-doona daarihii iyo dabaqyadii laga dumiyey .. Falastiin waxa u soo noqon doona noloshii la baabb’iyey .. Falastin waxa u soo noqon doonaa halyeeyadii ay huwanayd . Falastiin waxa u soo noqon doona waxkasta oo nolol tan ugu quruxda badan joogtaynaysa 

idanka Rabbi, Falastiin waxay yeelan doontaa warshadaha ugu waaweyn adduunka uguna wax-soosaarka badan taasi oo ay u dheertahay waayo-aragnimo hor leh iyadoo u kala dhoofin doonta dalka kastoo u baahan .. Dadka reer Falastiin waxay ku soo noqon doonaan ganacsiyadoodii, shaqooyinkoodii kala duwanaa ee ay hasteen 

Idinka Rabbi. Maxaabiista Falastiin ee la haysto, jeelasha Yuhuuddana ku jiraa waxay u soo bixi doonaan si nabadgalyo ah 

idinka Rabbi, Falastiin waxay yeelan doontaa cisbitaallada iyo dhakhtarada ugu heerka sarreeya dunida .. Ilbaxnimada Falastiin waxa laga qaadan doonaa tusaalayaal nool ..  Falastiin waxay noqon doontaa xudun, xariir u ah adduunka .. Falastiin waxay ka bixi doontaa dulmiga, dilka, boobka, dhaca, bahdilka gumaystaha reer galbeed iyo Yuhuud. Waxa dhici doonta maalin maalmaha ka mid ah oo hal qof oo Yuhuudi ahi iska daa in uu deganaadee in aanuu joogin Falastiin .. idinka Rabbi way xoroobi doontaa waxana u soo noqon doona riyo kasta oo ay lahaayeen dadka reer Falastiin.