Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 27 July 2024

Qiiso Laga Soo Wariyey Nabi Maxamed CSW .. Kalmadi Gafka Ahayed Ee Lagu Ciqaabay Adoon Reer Bani'-Israaiil Ah

Thursday - May 16, 2024





Imaamki Weynaa Ee Xadiithka Nabiga wax ka aruuriyey Abuu-Daawuud, ayaa saxaabigi Abuu Hurayra ka wariyay in uu yiri Nabiga (SCW) waxaan ka maqlay Qisadaan: Labo Nin oo reer Banii Israa’iil ah ayaa Walaalo ahaa .. Mid-kood had iyo jeer waa dambaabi jiray, kan kalena cibaadada ayuu ku dadaali jiray .. Kan cibaadada ku dadaala wuxuu arki jiray walaalkii oo dambi iyo falaad un ku jira, wuxuuna ku oran jiray: Ka Joog Ka Joog Waar Ka Joog. 

Haddana maalin kale ayuu arkay isaga oo dambi kale ku falaadaya, kadib ayuu Yiri "Ka joog" markaas ayuu ku yiri "isu kaaya daa aniga iyo Rabbigay, ma ilaaliye ayaa la iiga kaa dhigay? hasa ahaate,Walaalki iska dhigaayey nin wanaagsan ayaa hdal ku celiyey oo yiri "Wallaahi in aan Ilaahay kuu dhaafayn ama uusan jannada ku galinayn"

Kadib Labadi walaalo ajashoodii baa gashay oo Alle ayaa xagiisa u Oofsaday, markaa bay ku kulmeen Alle agtiisa, markaas ayuu Alle (SWT) Yiri "Waa kuma kan igu dhaartay in aanan hebel dambigiisa u dhaafayn? Waan u dhaafay hebel, adigana camalkaagii waan buriyay!! oo ma aniga ayaad i ogayd? mise waxa gacantayda ku jira ayaad awooddaa in aad diidid? Naarta hala geeyo! Kii dambiilaha ahaana wuxuu ku yiri "orod oo jannada ku gal naxariistayda

Abuu Hureyra ayaa yiri: Allaha naftaydu gacantiisa ku jirto ayaan ku dhaartaye wuxuu ku hadlay kalimad halaagtay adduunyadiisa iyo aakhiradiisa.