Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 27 July 2024

Wax Badan Akhri Wax Badan Ogoow .. Malakul-moodki Lagu Amray Inu U Tago Nabi Maxamed CSW .. Su'aashi Sakaraadka Ee La Weydiiyey Malakul-moot .. Muxuu Kaga Jawaabay Malakul-moot

Sunday - May 19, 2024




Nabi Maxamed SCW, oo markaas ku jira xaalad xanuunkiisi si cuslaaday sakaraat aada noqday, oo markaas nafsadiisa ku mashquulsan, waxaana ku bilaabmay xanuunki uu u geeriyooday, intaa kadib iyo marki qandhadu ku si badatay, ilaah ayaa Malakul-moot u wax-yooday oo yiri;  Hoobo oo u tag Xabiibkeyga Maxamed uguna tag suurad wanaagsan una naxariiso marka aad ka qaadeyso nafta .. Malakul-moot wuxuu nabiga ugu tagay isagoo u eg nin reer baadiya ah

Nabi Maxamed CSW ayaa Malakul-mootki intusan nafta ka qaban su'aal weydiyey oo yiri: Xanuunkaan daran iyo sakaraadka aan maraayo Adoomada ilaahay ma sideyda ayey u marayaan .. Malakul-mood oo jawaab celiyey ayaa yiri: Xanuunka Sakaraadka adiga lagu marinaayo mid ka daran ayaa adoomada la mariya, oo adiga ma daama a tahay Rasuul waaba lagu khafiifiyey.

Nabi Maxamed CSW oo markaas xanuunki sakaraadka la rafanaaya ayaa la fajacay xanuunka la marinaayo culeyskiisa iyo sida adoomada alle loo marinaayo xanunka haya mid ka daran .. Nabi Maxamed CSW, wuxuu markiiba eegay cirka isagoo leh: Eebow sakaraadka xageyga u badi si adoomada Alle ugu khafiifisid.

Nabi maxamed CSW, wuxuu jiranaa 18- maalmood oo ay asxaabtu booqanayeen, xanuunki ugu horeeyey wuxuu ahaa madaxa ..   Rasuulkii ilaahay waa geeriyooday maalin isniin ah ee bisha Rabiicul-awal ka mid ah .. Haddii aduuniyo lagu baaqi yeelayo qof, waxaa la dayn-lahaa
Rasuulkii ILaahay:

Rasuulka waxaa mayray Sayid Cali, waxaa ku shushubayey biyaha fadal bin Cabaas iyo Usaama bin Zayd, waana la karfanay, waana lagu tukaday, waxaana lagu duugay gurigiisii ee qolka Caa'isha RC, habeen arbaco ah ayaana la duugay Suubanaha SCW.
----------------------------------------------------
Nabigii ilaahay, Nuurkiisii oo dhan Naxariistu joogtiyo.

Naruuriyo iftiinkii Nawaxiigisa  taaliyo,

Nalkisii daarnaa Aduunyadu ku nagiday,

Nolishiiisii oo dhan, Mid lagu nastay ahayd,