Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 26 July 2024

Faaiidooyinka Dhoola Cadeynta .. Dhoola Cadeynta Ma Aha Un Inaad Afka Kala Qaado Ee Waa In Ay Ka So Go'do Qalbiga .. Dhoola cadeynta Waxaa Laga Hela Ajar

Thursday - May 23, 2024



Dhoola cadayntu waa iftiinka wajiga waana tilmaan ka marag kacaysa farxad furfurnan qurux iyo soo dhawayn sidoo kale daganaan iyo inaad tahay qof lagu so hiran karo ayay cadaysa.

Dhoola cadayntu ma aha un inaad afka kala qado ee waa inay qalbiga ka so go'do deetana aad foolkaaga ka muujisa waana awood ka mida awoodaha dunida uga cajiibsan xili kastana waxaa haboon inaad ku sifowdo hadii ad murugaysan-yahay xitaa isku day nacab iyo gacalba inaad u muujiso.

1- Dhoola cadaynta waxaa laga helaa Ajar oo waa sadaqo sida uu Rasuulka Alle CSW nnkh inoo sheegay ama ina amray: Ha xaqirin oo ha yaraysan shay wanaaga ka mid ah Haba ahaato inaad ruuxa walalkaa ah ama muslimka ah aad u muujiso ama kula kulanto waji furfuran

2- Waxay daawo ka tahay dhamaan murugooyinka iyo culaysyada qalbi ahaaned marka aad dhoola cadayso muruqyada wajigaaga iyo guud aah jirkagu way dabcayan maskaxdaduna way dagaysa xitaa adiga oo caro bastaa la ah, wax nafsi ahna waad helaysa.

3- Dadka aya kugu jelaanaya: oo bulshada aad ku dhex nooshahay hadii aad farxad iyo furfurnan kula joogto waxad hananaysa qalbiyadoo markaasna si fudud ayaad aragtiyahaga uga gadi-karta .. Dadku hadii ay ku jeclaadan sharkooda ayad ka nabad-galaysa hadii sharkooda ka nabad gashana danahaaga ayaad si dhibyar u fushanaysa"

4- Dhoola cadayntu waa hub: waxaad ku qarsanaysa dareenaada gaarka ah iyo dhaawacyada kuso gaara mudada ad dunida dhex tamash-laynaysid waxay dilku ku tahay cid walba oo jecel jabgaaga iyo inaad mar walba murugooto waana dhiirigalin aad aad naftada adigu usamaynaysid.

Waxaan kuu rajaynaya inaad mar-walba ahaato mid faraxsan dadkana farxad galiya.