Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 27 July 2024

Taariikhdu Waa Marag .. Nin-ba Si U Dhimay .. Boqorki Islaamka itoobiya Boqor "Liij-Yaasuu" Iyo Qaabki Saldanadiisi Looga Ciideeyey

Wednesday - May 29, 2024




Waxa la yiri taariikhdu markay maraysay 1913 waxaa dhintay boqorkii weynaa ee itoobiya ninkii la oranjiray boqor Mililk kii 2-aad .. geerida boqorkaas kadib ayaa waxa si lama filaan loo doortay Boqorki ugu horeeyey ee muslim ah ee itoobiya yeelato kaas oo la oran jiray "BOQOR LIIJ-YAASUU" oo ahaa nin Muslim ah.

Liij-Yaasuu markii uu talada qabtay wuxu baal maray caqiidadi aabihiis oo qaatay diinta kirishtanka oo loo magcaabay Najaashiga gobolada Wallo, Tigria, Baqmadir, iyo Gojam.

Boqorkan Liij-Yaasuuu wuxu durbadiiba bilaabay inu si dhab ah u muujiyo caqiidada islaamka, wuxu markiiba guursaday gabar Muslimad ah, wuxu diiday inu ku abtirsado qoryskii "Suleymaaniyiinta" wuxu si cad ugu dhawaaqay in Nasabkiisu yahay Nabi Muxamad "CSW" wuxu samaystay Calan ay Shahaada-taynku ku qoran yahay, wuxu xiriir wanaagsan la samaystay dawladii Cusmaaniyiinta, wuxu Masaajid ka dhisay magalooyinka jigjiga iyo Diridhaba.

Intaas markay dhacday boqor "Liij-Yaasuu wuxu caaasimad ka dhigatay magaalada Harar oo ahayd xaruntii islaamka kuna yaalo Masaajidkii ugu weynaa geeska Africa kaas oo markii dambe loo badalay kiniisada africad bari ugu weyn.

Waxa markiiba bilaabmay tahniyadii iyo caleemo saarkii loo soo dirayey boqorkii weynaa ee boqor "Liij- Yaasuu", waxa bilaabmay imaatinka wufuud heer caalami ah magaalada Harar iyo caasimada cusub ee boqorka.

Wufuudaas waxa kamid ahaa wufuud ka socotay geyiga Somaliyeed dhinac kasta, sida daraawiish iyo Rag kaleeto oo ay ku jiraan dad magac iyo maamuus ku leh geyiga soomaliyeed.

Wufuudaas waxa kamid ahaa Qamaan Bulxan iyo koox uu hogaaminayo una socday ka qaybgalka caleema saarka Boqorka cusub ee ay yeelatay itoobiya. 

Waxa soo gaaray magaalada Harar wufuud badan oo ka kala socotay dunida dacaladeeda iyo wadamada jaarka waxaana lagu mashquulsanaa soo dhawaynta dadkaas imanaya iyo agaasinka xaflada caleemo saarka ee boqorka cusub.

Madaxdii Kiniisadaha iyo qabaailkii Kirishtaanka ahaa way ka xumaadeen islaam-nimada boqorka cusub, waxay arkeen in goboladii tirada badnaa ee ay qabsadeen iyo shucuubtii ay gaalaysiiyeen boqor Mililik iyo Boqor oxaana ay si sahlan islaam-nimadoodii dib ugu wada noqdeen.

Markii dawladihii reer yurub dareemeen in uu boqorkii xabashida ee muslimka ahaa ee Liij-Yaasuu u leexday xoojinta islaamka, gumaystayaashii ingiriiska oo fadhiyey xeebta Berbera, Faransiiskii jabuuti fadhiyey iyo talyaanigii musawac fadhiyey waxay ku midoobeen in la garab istaago qolo reer Shawo ah oo boqorka markaa ka soo horjeeday.

Intii ay socotay hawlahaas waxa dhinaca Adis-Ababa laga soo abaabulay inqilaab ay wadeen axmaarada Kiristanka ah oo iyagu marnaba aan rabin in qof Muslin ahi ka taliyo itoobiya.

Si lama filaan ah oo ayaa waxa lagu waabariistay ciidan ku gadaaman magaalada harar, oo doonaya inay dhulka la simaan harar iyo waxa ku jiraba intaas markii ay dhacday waxa bilaabmay dagaal culus oo dhexmaray ciidamadii boqorka iyo kuwii soo duulay ee Kiristanka ahaa.

1916 ayey boqorkii Liij-Yaasuu rideen waxaanay ku xireen boqorka xabsi Harar ku yaala halkaas oo lagu dilay taariikhdu markay ahayd 1936 markii talyaanigu qabsaday dhulka xabashida oo dhan iyagoo laayey dadkii kale ee qasrigiisa ku sugnaa.

Ciidamadii waxay markiiba galeen qasrigii boqortooyada ee boqorku joogay waxayna dhagta dhiiga u dareen wixii joogay oo dhan, dadkii magaalada deganaa waxay noqdeen wax la dilay, wax baxsaday iyo wax xabsiyada lagu guray oo dhulka hoostiisa looga dhigay meel ay ku noolaadaan.

Ragii maalintaa xabsiga dhulka hoostiisa ah lagu qarshay ee la galiyey waxa kamid ahaa " Qamaan Bulxan" iyo kooxdii wafdigiisa ahayd waxa la galiyey dhul aad u yar oo aan hawo lahayn, waxa uga darnaa cunto la’aanta meeshaas taalay, iyaga oo laysku xiray si aanay isugu dayin inay cararaan oo ay ka baxsadaan xabsiga, lama soo koobi karo dacdaradii ay ka muteen xabsigii ay galeen.

Maalin maalmaha kamid ah ayaa qamaan ilaahay ka baryey inu xabsigan ka saaro hadii kalena uu illaahay xagiisa u kaxaysto illeen meesha nololi ma taalee waxaanu bilaabay gabay dheer oo aanan  wada helin balse inoogu filan baryada uu Eebe baryey iyo dhibkii meeshaas yaalay, waxaaanu yiri Qamaan Bulxan alle ha unaxariistee .. Qamaan bulxan illaahay waa ka samato saaray dhibtii iyo rafaadkii qalafsanaa ee xabsiga.

*    Eeboow bir lays dhaafshaybay dhab igu siiyeene

*    Eeboow dhulkay naga qarsheen dhererka loo yaale

*    Eeboow in dhuub leeg cirkay nagaga dhaarteene

*    Eeboow dhistiyo ways hayaan dhagaxda waaweyne

*    Dhiigayga eeboow ka jecel dhadiyo hoobaane

*    Oo dhalasho layskugu naxaa nama dhextaal gaale

*    Dhan-uun noo rid aakhiro janaan dhagagsanaynaaye