Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 27 July 2024

Nin-ba Taagti Ha Talaabsado .. SSC-Kaatumo Oo Hakisay Isku Socodka Iyo Ganacsiga U Dhaxeeyey Sanaag Iyo Sool

Friday - May 31, 2024




Hargaysa - Ciidamada Daraawiishta SSC oo ku sugan Degaanka u dhaxeeya Gobolka Sool iyo Gobolka Sanaag waxaa la Faray in cid kasta oo ay khusayso in xayiraad ganacsi lagu soo Rogay deeganada Beeluhu dariska ka yihiin oo ay ka dhacayaan Dilka Beelaysan oo curinaya colaad qabiil in la xayiray isu socodkii labada dhinac.

Sida amarka lagu bixiyey, Gaadiidka Cerigaabo aadaya ama ka imanaya wadadu way u furantahay marka la hubiyo waxa la sido iyo inanay amniga Degaanka khatar ku ahayn.

Warku wuxuu intaa ku daraya, in Gaadiidka ganacsiga oo Cerigaabo ka imanaya waa in ay maraan Customka mamulka SSC-khatumo oo isagu qoondeeyey barta lagu Cashuurayo .. waxaa kalo la xusay in
Gaadiid aan Cerigaabo ka iman ama u socon ma gudbi-doono inta nabad dhaba la helayo oo Somaliland Nabad kula qaadato mamulka SSC-khatumo oo mamulku nasiiyo amar isu gudub shacab.

Waxaa la sheegay amarka inu bixiyey Taliye Yaasiin Xuuf Taliyaha Qaybta Sanaag Ee Ciidamada Darawiishta ee SSC-Khatumo.