Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 7 September 2024

Hambalyo Iyo Bogaadin Ciidul-Adxa.. Gazaay Duco Iyo Rabi Tuug Idin Ku Sii Daayey .. Rabiyow Shacabki Gaza Shimbiraha La OYnaaya Badiina Awday Haysa ..Rabiyow Indhaha-yaga Adigey Kugu Soo Jeedaan Ee..

Friday - June 14, 2024




Waa Maalin Bilan Waa Maalin Boqran .. Shabakada Wararka Galdogob Times Ee maalin-laha ah, waxay halkaan kaga soo gudbineysa munaasabada maalinta barakeysan ee Ciid Al-Adxa .. dhamaan Ummada somaaliyeed meel kasta oo ay joogaan iga gudooma hambalyada ciida .. waxaana idin leeyahay Sanad kasta ha idin ahaato Kheyr iyo Baraare, isla markaana waxaan idin la wadaagaya farxada Umadda somaaliyeed meel-kasta ay joogaan ee gudo iyo dibad, Sido kale waxaan idin ku duceynaya Ciidaan Ciideeda kale Samo iyo iftiin iyo ileys Allaha idin ku gaar-siiyo .. Aamiin Aamiin

Ikhyaarey, Sidaad la socotaan, Arlada Lur weyn baa ka jirta oo sheydaan go'aankiis inu fulo ayaa la isku guul-guulaya, balse waxaa la galay waqti fitno oo aakhiro Zaman ah oo aan dul hoganeynaa kuna dhex suganahay .. Akhristow, ayaanba-ayaanta ka dambaysa, murugo iyo wax aad diido baad ku soo toosaysaa, oo guud ahaan Dunidi waa qasan-tahay, iyado shucuubti Bariga dhexe illa afrika iyo galbeedba, waxaa la suray Gaas Iyo Kibriid, wixii wanaag ahaa dibada loo tuuray, is ixtiraam iyo kala dambayn mooyi goor ugu dambeysay .. Aduunyadi sharcigi iyo Axdigi qaramada midoobay ee lagu heshiiyey iyo xuquuq la dhawro haba sheegin .. iimaan la'aan aan xad lahayen ayaa meel-kasta ka socota  

Hadaba Subxaana-laahi bal Eega waxaa maanta ku dhacaya Gaza .. ciidamo Gaashan-buur iyo jeysh is daba jooga, Madaafic hig-leh iyo Taangiyo lagu garaacayo iyo holac dayuurado ridayaan .. Maanta shacabka Gaza gantaalaha qarax iyo geeri baa leh .. Ma kuwaan baa la dhawran-kara aan shacabiga Gaza midna ka reebeyn

Maatadi Gaza waa gamaareysa oo goob walba daadsan-tahay banaanka la waray, oo miinikaad is taagtaba meydkaa buux dhaafay, gumaad-kooda Habar Dugaag baa isugu wacday oo leh " Waraabow Waa Hal Aan Cid Lahayen oo Hiil islaam lahayen,  dadka nafti baa qabatay oo macaluul iyo gaaja soo ridatay .. Gazaay samir, oo Gargaarki Alle iyo guusha waad heli .. Gazaay Wadadi guusha loo maraayey waad haysa .. waad iska Jabin-doonta Katiinadaha kugu xiran .. Gacalow Walaal, guntiga hagaajista fadhi idin ma yaale ee guusha waa la raadsha oo gurta Miro Macaan

Gorofka Nitinyaahu inshaa-alaah Wey isla Rogi-doonta waqti aan fogeyn .. Gazaay ogaw musllimiinti gama'saneyd wey gurxamayaan kuna dhawaaqayaan: Islaamow Qudus Yaa Lahaan jiray, Yaa Maali Jiray 

Gazaay Ducaan Ku Guntay Ee Aaminta ILa Gura:
Xay Cala Salaax, Xay Salaax Falaax .. Gazaay Duco Iyo Eebe Tuug Idin Ku Sii daayey .. Rabiyow Isheeyda Waxay La Gureysa Tiiraanyo, Indhi-hiina Wey isku-key Qaban-waayeen 

Rabiyoow Soo Ma Ahid Kan U Taliya Kuli Boqor-tooyinka Qaruumaha, Gacantaada Waxaa Ku Jira Xoog Iyo Itaal .. Rabiyow Dunida Adigaa Xukume Ee Diinta Gargaar Dunida Ha Gaarte .. 

Rabiyow Shacabki Gaza Shimbiraha La Ooyaaya, Baddiina Awday Haysa, Sariir Lagu Gam'o'  Iyo Gogol Waa Laga Dheeraaday .. Rabiyow Dumar Iyo Caruur Waa La xasuuqay oo iilka Lagu Duugay Ee Daaiimow Magantaa .. 

Rabiyow Gaza Guusha Siih, Gudoon Wacan Iyo Samir Gaara .. Rabiyow Adigaan Isku Kaa Haleyneynaa Ee Kuwa Sharka, Dulmiga iyo Dhibaatada Wada ilaahow cirib-tir, oo Cadaabta Deg-Deg Ugu Gur, oo Yeeyni Far-riixin ifka Noloshana Ku Qurmi

Rabiyow, kuwa u halgamaaya xaqooda Sida Gaza Ku Xooji  Malaaiigta Karaamada Leh, Xidigaha Cirka Sare, Ciida Dhulka Iyo Daruuraha Guur-guuraaya Iyo Inta Junuud aad adeegsato 

Rabiyow Gumeysiga Casriga Wasakh Laabta Uga Shub Oo Ka Hor Istaag Gumaadka Ay wadaan .. Daaiimow Gargaar-kaaga Kaa Sugeynaa Ee Naga Ajiib Adigaa Cadaalada Qareen U Ahe  .. Amiin Aamiin

Waa Walaalkiin Maxamed Calixashi Oo Idin Leh: Iga gudooma Salaan Hufan Oo Haybad Wacan Oo Indho Walaal Idin Ku Soo Eegaya .. Ilaah Waa Xaakin Xaq Ah