Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 7 September 2024

Wax Badan Akhri Wax Badan Ogoow .. Daawooyin Nabi Maxamed CSW U Aad U Isticmaali Jiray .. Waa Suno U Uga Tagay Muslimiinta

Wednesday - June 19, 2024




Nabi Maxamed CSW, waxa uu muslimiinta uga tegay wax-yaabo sunno ah oo ay akhlaaqi-yaadkiisa kaga daydaan, isla markaana dhaqan wanaag u ah, sidoo kale waxa uu uga tagey wax-yaabo Dawo ah oo ka mid ah cuntooyinka iyo khudaarta wax laga cuno .. Sida uu tilmaamay khabiir islaam ah oo la oran jiray Ibn Al Qayim, ilaalinta caafimaadku waa saddex dariiqo mid ahaan:

Ilaalinta caafimaadka wanaagsan waa In jirka laga saaro walxaha dhibaatada u keenaya Iyo in jirka laga fogeeyo amma laga ilaaliyo waxyaabaha dhibta u keena.

Khubarada caafimaad ee casriga ah waxa ay sheegeen in caafimaadka qofku wanaag-sanaanayo haddii uu isticmaalo cuntooyin nafaqo leh oo dheeli-tiran, jirkana laga ilaaliyo waxyaabaha Sunta ah ama waxyeelada u keena iyo jirka laga saaro suntan (Detoxify) ku jira ama walxaha cudurka keeni kara ee ka dhasha cuntooyinka iyo hab nololeedka noolaha.

Haddaba, mareeg la yiraa "Health Muslim" oo ayaa soo bandhigtay waxyaabo Nebi Maxamed CSW Dawo ahaan u isticmaali jiray kuwaasoo kala ah;

1- Timir: Timirta oo ah cuntada uu Ilaahay ku quudiyey Maryama, kadib markii ay Nabi Ciise (CS) ku hoos dhashay geedka (Palm tree). Alle oo Ciise ku dhiirigeliyey ama Maryan wiilkeeda barakaysan inuu noqon doono Rasuulka Mustaqbalka ee ubadka reer Israa’iil, ayaa Maryam Alle ku yiri; "Rux jirida geedka, waxa kaaga soo daadan doona timir bisil, si aad u cunto, cabitaan indhahaaga ku nasi waxa Alle ku siiyey.”

2-Xabadsuud "Xabatu-Sawdaa" Abu Hurayra Alle raalli ha ka ahaadee waxa uu yiri in Nabiguna uu yiri; Si joogto ah u isticmaal xabaasuuda (iniinyaha madaw), sababtoo ah waxay ay daawo ka tahay cudur kasta oo aan ahayn dhimashada,” waxa xadiiskan soo wariyey Bukhaari.

3. Saytuu: Saied Al-Ansari Allah ka raali ahaadee wuxuu Nabiga CSW ka soo wariyey in uu yiri: Cuna, kuna duuga jikiina markaad heshaan maadama uu yahay geed barakaysan .. Waxa ay saliidana ka hortagtaa cudurada sida cancer, sida breast, prostate, and rectal cancer. Xagga macaanka waxa ay saliidana ay kontorooshaa sonkorta dhiiga.

4-Malabka Shinnida: Ilaahay (SWT), waxa uu qur’aanka kariimka ah ku sheegay in malabku daawo yahay, waxaana ku xusan Suurada Al-Naxal "Malabka waxa dadka ugu jira daawo" iyadoo sidoo kale suuradan Ilaahay kaga hadlay shinnida iyo faa’iidooyinkeeda kala duwan.

Haddii aad liin soo qaado, kadibna aad koob ku tuujiso, isla markaana malqacad malab saafi ah ku darsado, kadibna aad biyo kulul ku qasto, waxa ay daawo ka tahay in ay jirka ka nadiifiso waxyaabo badan, sida Cunna xannuunka amma Xabeebta, Hargabka iyo waxyaabo kale oo qashin ah oo jirka ku jira .. Liin-dhannaanta iyo malabkuba waxa ay ka mid yihiin waxyaabaha aadka u faa’iidada badan ee caafimaadka qofkana kor u qaada, xannuunada qaarna ka daaweeya .. Liin-dhanaanta waxa ay daawo fiican u tahay hargabka iyo calool xannuunka.