Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 7 September 2024

Waxaa La Yiri: Ninka Sanadka Soo Socda Waalanaya Sanadka Ka Horeya Ayuu Sii Feyd- Feytaa .. Afhayeenka Ciidanka Israaiil General Hagari Oo Sheegay Xamaas In Aan Laga Adkaan-karina

Thursday - June 20, 2024




Afhayeenka ciidanka Israa’iil, Daniel Hagari ayaa xalay si layaab leh u qirtay in aysan suragal ahayn Israa’iil inay burburiso oo meesha ka saarto Xamaas .. 

Wuxuuna ku sheegay waraysi uu siiyay telefishinka Israa’iil ee Channel 13 ; "Xamaas waa fikrad, mana dhimato fikrada, waxayna ku jiraan quluubta Falastiiniyiint, wayna nagu adagtahay in aan meesha ka saarno"

Wuxuu intaa ku daray "Marna ma soo celin karno dhammaan dadka la afduubay anagoo adeegsanayna qaab ciidan, balse Qiimaha aan ku bixinay dagaalkan waa mid aad u sarreeya marna ma aamusi karno."

Hadalkaasi wuxuu gilgilay Israa’iil, iyadoo oo uu soo baxay Netanyahu oo sheegaya “Burburinta Xamaas waa hadafka dagaalka oo ciidamada Israa’iil waxaa ka go'an inay gaaraan hadafkan.

Wargeysyada iyo telefishinnada Israa’iil ayaa hadda ka dhigtay ciwaannada kore ee warar kooda soo shaac bixista khilaaf u dhaxeeya militariga iyo Netanyahu.

Tan ayaa sare u qaadaysa dooda Israa’iiliyiinta , gaar ahaan qoysaska maxaabiista oo sheegaya in Netanyahu uu dagaalkan u dheereynayo si indho la’aan ah, sababo u gaar ah oo uu ku doonayo inuu kursiga ku sii joogo.