Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 7 September 2024

Dhambaal Caafimaad Qaba .. Saaxiibow Akhriso Dhambaalkaan Waa Haddi Aad Dooneyso In Nolosha Aduunyo Iyo Aakhiro Ku Ahaato

Sunday - June 23, 2024




Saaxiib, waan ogahay Nin adkaysi leh inaad tahay, waan kuu qirsanahay inaad wanaag jeceshahay oo dadka aad u wanaag samayso .. Saaxiib shakhsi dadaal badan oo karti iyo wax qabad leh ayaad tahay ee dadaal dheeraad ah muuji .. Saaxiib ku dadaal sidii aad laba nololood Aakhiro iyo adduunba aad ku guulaysan lahayd, illaahay (SWT) dadka dadaala wuu garab galaa.

Saaxiib wixii aad Quudan lahayn Allaah ayaa kuu meeleeyay, oo ma jirto cid calafkaaga cunaysa ee si dhiiranaan leh u ilaali waajibaad illaahay ay salaaduhu ugu horreeyaan. Mid kale ogow saaxiib, qofkii salaadiisu hagaagto Acmaashiisa kale oo idil way hagaagayaan idan Alle.

Saaxiib, ku qanac qaddar Alle ,wax walba waxay ku dhacaan doonistiisa. Haddii aad waydo wax aad rabtay laga yaabe inay Shar kuu ahaayeen, haddiise aad la kulanto wax aanad jeclaysana laga yaabe inay Khayr kuu ahaayeen.

Saaxiibkayoow, sida ula saaxiibto saaxiibada ula saaxiib Qur'aanka kariiimka ah,waxaan qirsanahay Qur'aanku inuu yahay saaxiibka kaliya ee iga fiican, waa saaxiib aanad sheekadiisa ka caajisay ankee haddii aad kumanyaal jeer akhriso, waa saaxiib kuu soo bandhigaya balan qaad aan laga baxayen oo sida ugu fiican loo oofin doono, waana saaxiib dantaada iyo maslaxadaada ka shaqaynaya mar walba.

Saaxiib, haddii aad doonayso inay noloshaadu ahaato mid ifaysa akhris akhriskaaga iyo baari-taankaagu ha badnaadaan, la sheekaysiga waayeelkuna waa kuu muhiim.

Saaxiib-kayoow, waayahaagu ha ku mashquuliyaan jeer aad danaha dadka kale ku mashquuli lahayd, ku mashquulka dadka kale wax qabad kuu dhaama ayaa jira saaxiib.