Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 7 September 2024

Ragi Madaxa Buurnaa Ee Ku Soo Duulay Lelkase In Caana-hoodi La Gambiyey Cid Ma Ku Sheegtay .. Sacad Oo Carab-koodi Eebe Ka Yeelay Culimadi Eednay .. Xaskaa Laysugu Jiraa

Tuesday - June 25, 2024




Galdogob: Kadib dhawaanta duulaanki Barbar-riiqadka Ee lagu soo qaaday beesha Tanade/ Leelkase, isla markaana weli Deyrka soo taagan, talo xumo iyo aar-doon u taagan, oo aan ku dhaafeyn soona dhici-doona wax ka maqan aan la garaneyn .. koleyba diid ama rab waa lagugu deyi' dagaal kale .. Taa darteed ayaa warar xog-ogaala oo ka iimaanaaya dhinacaas iyo degaanka Galdogob, waxay sheegayaan in la bilaabay barnaamij difaac loogu magac daray " Ciyaarta Kacsan" iyadoo saldhigyo ka mida degaankaas u ka jiro Qalab iyo Hub aruursi ciidan looga hortagaayo duulaan kale oo naf la caari ah, halkaasna ay ku qaataan duruus la xariirta Tababar isticmaalka hub cusub oo loo keenay iyo war-xuuraanka Sahanka iyo baaqa isgaarsiinta loo isticmaali-doono xiriirinta dagaalka .. Balse Beesha Leelkase ujeedkooda ma aha iney doonayaan dhul dad kale leyahay oo ay ku hantaan dagaal is daba-jooga

Wararku waxay sheegayaan illa hadda in goobo kala duwan ee degaankaas lagu diyaarshay maleeshiyaad u tababaran hab milatari, isla markaana loo kala dhisay cutubyo noocyada ciidanka oo kale .. illa hadda tirada la sheegay oo meelahaa qoobabka ku garaaceysa, oo sidi Gorgorka u laashoonaya, waxaa la tilmaamay iney gaarayaan tiro 2500, gurmadna sida la sheegay waa dambeeya .. Dhalintaa Kacsan Da'dooda waxay ka bilaabata 16 jir illa 26 sano, sido kale maleeshiyaad-kaas waxaa loo dhisay habka qorshaha ay ku dagaal-gasho "Xarakada Xamaas" oo kale, ayaa kooxo kooxo loo qaybiyey, isla markaana waxaa la dhisay Qol " Talis Hawlgalin" kuwaaso diyaariyey khridadi u dambeysey ee dagaal galinta, waxaa kalo la diyaar-gareeyey qaybo kala duwan oo la xariira gurmadka taakuleynta, baro caafimaad, guurti xula iyo qaybo ka shaqeysa xaga xiriirka isku xirka bulshada iyo siyaasada

Sheekada aan kuu soo gaabiye, Beesha Tanade/Leelkase iyo hibooyinka gaarka ah ay ku leeyihiin dagaalka, qaabkey u diyaar-garooben koleyba mar un sidi Aar libaax ooda wey soo jabin .. waa is diyaariyeen gudo iyo dibad oo maanta waa jidbeysan-yihiin badidoodna waxaa la isku-waasteeyey in madaxa lagu xirto "Weer Cad" oo ay ku qoran-tahay " Shahiid" Halka kan Dhinta, kan Xabaalaya, kan taakuleynaya, kan Meydka Aasaya ay iyaguna ku qorteen "Al-Shahiid" micnaha dhamaan beesha sidey u dhantahay waa "Shuhadaa" oo laabta ku wada haya Libin Iyo Jihaad .. Arinku si kastaba ha noqdee Tan Waa Nolool Aan laga gudbeyn oo difaac iyo weerar un lagu jiro, oo nin door ku idlaaday, hadaba miyaa la waayey nolol taas ka door-roon?