Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 7 September 2024

Saaka Waxaa Jooga .. Mar Kale Ayaa Foodaa La Is Daray Oo Fagax Iyo Dur-dura Dhacday .. Fa'tataada Rasaasta Meydkuna Waa Is Feer Yaal .. War Dheeri Ah Oo Laga Helay Dagaal Beeleedka Ka Socda Mudug

Thursday - June 27, 2024




Galdogob- Wararka ka imaanaya gobolka Mudug gaar ahaa dhinaca degaanka Miyiga "Jacboor" ee ka mida degaanka Galdogob ayaa sheegaya in dagaal u dhaxeeya meleeshiyo Haybta Leelkase iyo Sacad uu halkaas ka socdo .. Waxaa la tabinaya in horimo maleeshiyaad darban dhoosha ka cartamaya ka yimi dhinaca galdogob oo markay qoraxdu  duhur-nimadi dhulka soo abaartay ay ku daateen xagaa iyo aaga degaanka Saaxa-qurun, iyo kuwa kaloo iyagana ah Col gurguu-ranaaya ay u jiheysteen xagaa iyo Bandiiradley, waxaana la sheegay cabsi jirta awgeed in Kabo la'aana magaaladaas looga baxay .. Halkaa Filan-waa iyo Futo Qaawan baa ka dhacday baa la yiri  

Dagaaladaas oo bilowday waa-berigi Arooryo waagu feytay la is haleelay, ayaa weli la isla dhacaya Hub daran-doori ah iyo Gantaalo lagu wada idlaaday .. sida wararku ay sheegayaan waa socon-weyday ku tala galki la is lahaa Raqda Reerka Leelkase ha lagu washariyo maalin cadceedu goondaha joogto, laakiin Run ahaanti qoraxda oo good-keedi la galeysa fooda " Mugdi" sidaa awgeed waxaa adag in la ogaado illa hadda khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay , maa-daama dhulka uu ka socdo dagaalka uu ku yaaal aag Miyi ah oo ay ku badan-yihiin dadka xoolo dhaqatada ah.

Waayahaan-ba Deganadaas Waxbaa Ka salag-lahaa, oo Colaadda u dhaxeeysa labada beelood oo aagagaas deris ku ah ayaa ku soo noq-noqotay isku dhacaas, waxaana ay salka ku haysaa inta badan Daaqa iyo Deegaanka, iyadoo isku dhicii ugu dambeyay ay ku dhinteen dad ka badan Soddon qof.